Kaalmaysiga Sabirka Iyo Sebenka Adag!

0
226

Sabirka iyo sida uu muhiim u yahay waxa aad inoogu dhiirgeliyay diinteena Islaamka. Nebi Yacquub (Cs) markii uu la dardaarmayay inamadiisa wuxu ku yidhi:
“Wiilashaydow taga oo soo raadiya Yusuf   iyo walaalkii hana ka quusanina naxariista Allah “

Weedha Nebi Yacquub (cs) Waxa ay ina tusaysaa in si kasta oo dhibi inoo taabto in aynaan ka quusan Naxariista Allaha (sw), kuna kalsoonaano oo khayr iyo wanaag ka rajayno.

Nebi Yuusuf (cs) jeelka waxa kula xidhnaa laba nin mid markii la sii daayay ayaa la dilay, mid kalena markii la sii daayay ayuu boqorka khaadim u noqday. Nebi Yuusuf (cs) muddo ayuu ku sii jiray xabsiga oo ku sabray dhibaatadii jeelka. Laakiin maalintii la soo daayay wuxu noqday Boqor.

Imaam Ibnu Qayim Waxa uu yidhi:

“ Wixii ku dhaafay marna kaga gudbi maysid murugo iyo walbahaar, waxaa lagaga gudbaa raali ahaanshaha Allah (sw), sabir iyo Allaha (sw) oo loo mahdanaqo. Qadarka Allah (sw) oo la rumeeyo, iyo adoonka oo qira inuu Allah (sw) u qadaray iyo inuu Allah (sw) wixii uu doono fuliyo”.

Leave a Reply