Komishanka Maamul Wanaaga oo Kormeeray Xafiiska Mihnadlayaasha Caafimadka Qaranka

0
278

Hargeysa (Dawan) – Komishanka Maamul Wanaaga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay ka bilaabay Kormeer Baadhiseed iyo Dersid ah oo la xidhiidha hannaanka Maamul Wanaagga iyo adeeg bixin ee Komishanka Mihnadlayaasha Caafimadka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo lagu iba furayey baadhista iyo kormeerka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaad Dr Luul jirde Xuseen, Guddoomiye xigeenka Komishanka Maamul Wanaagga Prof Axmed Xasan Ibrahim iyo Agaasimaha Waaxda Maamul Wanaagga ee komishanka Cabdilaahi Maxamed Bile.

Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Maamul Wanaaga JSL Mudane: Axmed Xasan Ibraahim ayaa ka hadlay ujeeddada qiimeynta iyo daraaseynta ugu samaynayaan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawladda, waxaanu sheegay in baadhistan iyo qiimeyntani ay tahay mid dhinaca maamul-wannaagga ah oo Komishan ahaan ay ku doonayaan in ay ku qiimeeyaan hannaanka shaqo, maamul iyo adeeg bixineed ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda.

Waxa kale oo Guddoomiye ku xigeenku xusay in qiimeyntani ay qayb ka tahay waajibaadka shaqo ee uu qaranka u hayo Komishanka Maamul-wannaagu.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaad Dr Luul jirde xuseen ayaa halkaasi ka sheegtay inay soo dhaweynayaan kuna faraxsan yihiin in la helo Maamul Wanaag iyo nidaam toosan wixii ka soo baxa ee talo iyo toosinba ahna baadhista iyo qiimaynta uu wado komishanku ay hirgalin doonaan.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply