Wasaarada Arimaha Gudaha oo Qayral Sharci ku Tilmaantay Xil ka Qaadistii Maayarka Salaxlay

0
339

Hargeysa (Dawan) Wasaarada Arimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qayral sharci ku tilmaantay  xil ka qaadistii Golaha Deegaanka Degmada Salaxlay ku sameeyeen Maayarka Magaalada Salaxlay Axmed Buraale Iimaan.

Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland  Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxa lagu sheegay in go’aanka ka soo baxay  Golaha Deegaanka degmada Salaxlay ee xil ka qaadista ay ku sameeyeen Maayarka Magaalada Salaxlay Axmed Buraale  uu  baal marsan yahay  sharciga dalka iyo Warqadii lagu joojiyey fadhiyada aan caadiga ahayn.

Sidaana waxa lagu sheegay  qoraal ka soo baxay Wasaarada Arimaha gudaha, kaas oo  u dhignaa sidan:- “Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Qodobkii 110oad farqadihiisa 1aad iyo 2aad oo cadeynaaya in Maamulka gobollada iyo degmooyinku yihiin qayb ka mid ah Maamulka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana Xidhiidhka Xukuumadda-dhexe ee gobollada iyo degmooyinka loo raacaayo Xeerka ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Xeer Lr.23/2019. iyo 111aad Farqadiisa 1aad oo u dhigan “Gobollada iyo degmooyinka dalku waxay yeelanayaan Golayaal sharci-dejineed oo ku kooban xeer hoosaadyo (Bye-laws) aan ka hor imanayn xeerarka dalka u dejisan iyo kuwa fulineed”.

Markaan Arkay: Masuuliyada ka saaran Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka Dalka J.S.L. sida ku cad Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda Xeer-nidaamiye Lr.01/2018 Qodobkiisa 27ood

Markay ii Cadaatay: in shirka aan caadiga ahayn ee ay yeesheen Mudaneyaasha Golaha Deegaanka ee Degmadda Sallaxley aanu waafaqsaneyn kana hor yimid Xeer Lr.23/2019 Qodobadiisa 51aad farqadihiisa 3aad, 4aad, 5aad oo cadeynaaya Shirka aan caadiga ahayn,sababta qabashadiisa iyo Ajandaha shirka wixii ka baxsan waxa laga yeelaayo, 70aad Faqradihiisa laad, 2aad, 3aad, 4aad, 5aad, 6aad, 7aad,  iyo 9aad oo cadeynaay habka loo maraayo xil ka qaadista Duqa iyo ku-xigeenkiisa.

Markaan Tixraacay: warqada hore uga baxday Wasaaradda Arimaha Gudaha Sumadeedu tahay Tix-WAG/ XW/ 2062/ 02/2021 kuna taariikhaysan 13-Oct-2021 ujeedadeeduna ahayd Mabnuucid Fadhiyada aan Caadiga ahayn. Sidaas darteed, asbaabtaas sare ku xusan awgeed waxaan Mudaneyaal idin la socod siinayaa:-

In aaney jirin Xil ka qaadis sharciga waafaqsan oo lagu sameeyey Duqa

Degmadda Sallaxley. In uu yahay Go’aanka ka soo baxay Xubnaha Golaha Degaanku mid baal marsan Sharciga Dalka iyo Warqadi lagu Joojiyey Fadhiyada aan Caadiga ahayn ee ka soo Baxdey Wasaaradda Arrimaha Gudaha.in aanu jirin Maamul ku meel gaadh ah oo maamulaaya Degmadda,maamulka Sharciga ahina yahay Maayarka Degmada iyo Golihiisa  Deegaanka ee Sharciga ah.”

 

 

 

Leave a Reply