Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Digtay Booyadaha iyo Iska-rogooyinka

0
237

Hargeysa (Dawan) Dawlada hoose ee caasimadda Hargeysa ayaa booyadaha caasimada biyaha dhaamiya iyo iska rogooyinka uga digtay inay laydhadh saay’id ah ku xidhaan dhanka dambe ee gaadiidkaas, kuwaas oo si sahlan u sababi kara shilal.

Agaasimaha waaxda maaraynta khataraha masiibooyinka Cali Maxamed Nuur ayaa sheegay in dawlada hoose eecaasimada Hargeysa ay darawalada booyadaha caasimada biyaha u dhaamiya iyo iska rogooyinka caasimada ka dhex shaqeeya ay gaadhsiiyeen fariimo ku saabsan amar dawlada hoose ee caasimada Hargeysi ka soo saartay laydhadha ay ku xidhaan xagga dambe ee gaadiidkaas, turusyada birta ah iyo albaabada furan ee iska rogooyinka, kuwaas oo ay dawlada hoose ee caasimada Hargeysi mamnuucday.

Masuuliyiintaas dawlada hoose ayaa waxay kormeer arrimahaas la xidhiidha ku tageen kaantaroolka bari ee laga soo galo caasimada Hargeysa, waxaanay gaadiidka booyadaha iyo iska rogooyinka ku dhajiyeen fariimo sheegaya amaradaas ay soo saartay dawlada hoose ee caasimada Hargeysa iyo dhibaatooyinka ka dhallan kara haddii la jabiyo.

Hawladeenada dawlada hoose ee caasimada hargeysa ayaa sheegay hawl-shaaqo oo kaas la mida ay ku tagi doonaan kaantaroolka dhinaca galbeed ee laga soo galo caasimada Hargeysa.

Qaar ka mida darawlada booyadaha ayaa soo dhaweeyay tallaabadaas, waxaanay xuseen in ay diyaar u yihiin fulinta amarada ka soo baxa dawlada hoose ee caasimada Hargeysa, kuwaas oo ah qaar ka qayb qadan kara yaraynta shilalka, siiba xiliyada habeenkii.

 

 

 

 

Leave a Reply