Gudoomiyaha DP World oo Sheegay in Aagga Dhaqaalahu Abuuri Doono Suuqyo Ganacsi oo Cusub

0
153

Berbera (Dawan)- Gudoomiyaha shirkada DP World Md. Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa sheegya in Aagga dhaqaalaha ee Berbera abuuri doono suuqyo ganacsi oo cusub.

Gudoomiyaha DP World oo hadal ka jeediyey furitaankii Aagga dhaqaalaha ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ganacsiga caalmka ee isbedelaya uu keenayo baahi kaabayaal ganacsi, waxaanu yidhi,

“Dhaqdhaqaaqa ganacsiga adduunku wuu isbedelayaa, waxaana sii kordhaya baahida loo qabo kaabayaasha ganacsiga, sida aagagga dhaqaalaha, oo si fudud oo degdeg ah loogu heli karo maraakiibta caalamiga ah.

Md. Suleyman ayaa ka hadlayey fursadaha mashruucu soo kordhinayo ayaa sheegay inay shirkadaha u soo dhawaynayaan macaamiishooda, wanaajiya saadka waxayna u oggolaanayaan inay ku fidaan suuqyo cusub.

“Isku-dhafka dekedda Berbera iyo Aagga cusub ee dhaqaalaha ayaa tusaale weyn u ah arrintan, taasoo ka dhigaysa Berbera mid ka mid ah nidaamka deegaanka ganacsi ee heer caalami, hadda iyo mustaqbalkaba.”

 

 

Leave a Reply