Kaymaha Amazon: Nin ku dhex lumay muddo 31 maalmood ah iyo sidii uu u badbaaday

0
169

Nin u dhashay dalka Bolivia ayaa ka sheekeeyay sida ay ugu suurtagashay in uu 31 maalmood ku noolaado kaynta Amazon ka dib markii uu ku lumay.

Jhonattan Acosta, oo 30 jir ah, waxa ay kala lumeen afar qof oo la socday xilli uu ugaadhsi ku jireen waqooyiga Bolivia.

Waxa uu sheegay in uu ku noolaa biyaha roobka cayaanka, isaga oo dhuumanayey Shabeelada iyo Bahalaha kale ee dadka waxyeela.

Mr Acosta ayaa ugu dambayntii waxaa helay koox baadi goobaysay oo ka kooban dadka deegaanka iyo asxaabtiisa markii uu muddo bil ah maqnaa.

“Waa wax cajiib ah, ma rumaysan karo in dadku ay muddo dheer i raadinayeen,” ayuu yidhi isaga oo ilmaynaya.

“Waxaan cunay cayayaan, wax kasta waan sameeyey si aan u noolaado wakhtiga oo dhan,” ayuu u sheegay Unitel TV. Waxa kale oo uu cunay midhaha kaynta ee gudaha wadankaas looga yaqaanno gargateas.

“Alle aad ayaan ugu mahad naqayaa, sababta oo ah wuxuu i siiyay nolol cusub.”

Qoyskiisu waxa ay sheegeen in ay wali tahay in ay isku dubba ridaan dhammaan xogta ku saabsan sidii uu Mr Acosta ku lumay iyo sida uu ugu suurtagashay in uu sii noolaado, balse ay si tartiib tartiib ah ayaa loo waydiin doonaa maadaama uu weli wixii soo maray la dhiban yahay.

Mr Acosta ayaa miisaankiisu dhan yahay 17kg (37lb), canqowga ayaa dhaawac ka gaadhay, wuu fuuq baxay markii la helay, laakiin sida ay sheegeen dadkii helay, waxa uu weli awooday in uu lugeeyo.

“Walaalkey wuxuu noo sheegay in markii uu canqowga ka dhaawacmay maalintii afaraad, uu bilaabay inuu naftiisa u baqo,” Horacio Acosta oo walaashii ah ayaa u sheegtay wargeyska Bolivia ee Página Siete.

“Waxa uu qorigiisa ku haystay rasaas yar mana socon karo, wuxuuna u ka werwerayey in la raadin doono iyo in kale,”.

Jhonattan Acosta ma haysan baangad ama weel uu wax ku cunno markii uu lumay oo waxa uu ku qasbanaaday in uu wax kasta sameeyo.

Waxa kale oo uu u sheegay qaraabadiisa in uu la kulmay xayawaanka duurjoogta ah oo uu ka mid yahay Shabeelku.

31 maalmood ka dib, waxa uu arkay goob la degan yahay oo u jirta 300m (980ft) xaggooda ayuu u dhutiyey.

Horacio Acosta waxa helay afar qof oo deegaanka ah. “Nin ordaya ayaa noo yimid si uu noogu sheego inay heleen walaalkay, waa mucjiso.”

Sida laga soo xigtay Acosta walaashii, Jhonattan wuxuu go’aansaday inuu iska daayo ugaadhsiga ka dib wixii uu soo maray.

Dhanka kale booliisku waxay sheegeen inay

Leave a Reply