Shirka kooxda G20: Dagaalka Ukraine ayaa hadheeyay in heshiis la gaadho Hindiya

0
181

Wasiirrada arrimaha dibadda ee kooxda 20-ka ayaa ku shiraya caasimadda Hindiya ee New Delhi, iyada oo ay sii xumaanayso xiisadaha juqraafiyeed ee ka dhashay dagaalka Ukraine oo caqabad ku ah dadaallada lagu heshiinayo ee ka dhexeeya waddamada ugu dhaqaalaha badan adduunka.

Xubnaha la qayb gelaya waxaa ka mid ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Qin Gang iyo kuwo kale.

Ka sokow dagaalka Ukraine, xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Beijing ayaa sidoo kale cirka isku shareertay ka dib markii Maraykanku uu soo riday buufintii basaaska Shiinaha eela soo riday.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya ayaa sheegtay in dagaalka Ukraine uu qayb muhiim ah ka noqon doono wada hadallada dhacaya Khamiista.

Xaaladaha soo koraya ee iska horimaadka Ruushka iyo Ukraine, noqon doona qodob muhiim ah oo laga wada hadli doono, Xoghayaha arrimaha dibadda ee Hindiya, Vinay Kwatra, ayaa ku sheegay shir jaraa’id Arbacadii.

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in kulanka wasiirrada arrimaha dibadda ay arki doonaan xaalado la mid ah xiisadihii hadheeyay shirkii wasiirrada maaliyadda ee kooxda ay martigelisay India usbuucii hore. Kulankaas ayaa la soo gabagabeeyey iyada oo aan laga soo saarin bayaan wadajir ah ka dib diidmo ay Shiinaha iyo Ruushku ka keeneen luuqad la doonayeyay in lagu cambaareeyo gardarrada Moscow.

Isku soo wada duuboo Wasiirada Arrimaha Dibada Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa kooxda ku riixi doona in ay mowqif adag ka qaataan dagaalka Ukraine.

Midowga Yurub ayaa sheegay in guusha kulankaas lagu cabbiri doono waxa ay ka qaban karaan colaadda Ukraine. “Dagaalkan waa in la cambaareeyaa,” Josep Borrell, oo ah wakiilka sare ee Midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda ammaanka, ayaa u sheegay wariyeyaasha isaga oo ku sugan New Delhi. “Waxaan rajeynayaa, waxaan hubaa in awoodda diblomaasiyadeed ee Hindiya loo isticmaali doono si loo sameeyo Ruushka inuu fahmo in dagaalkan uu dhammaaday.”

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in marka la eego kala qaybsanaanta qotada dheer ee India ay wajaheyso ay adag tahay in mawqif mideysan laga soo saaro dhamaadka wadahadalka.

Leave a Reply