Wasiirka Maaliyadda Oo Sharaxaad ka Bixiyey Muhiimada Aagga Dhaqaalaha ee Berbera

0
335

Berbera (Dawan)- Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo sheegay in Aagga dhaqaalaha Berbera diyaar u yahay ganacsi, ayaa ugu baaqay shirkadaha xiisaynaya inay ku soo dhowaadaan.

Dr Sacad oo khudbad ka jeediyey furitaankii aagga Dhaqaalaha ayaa sheegay inay fikir ahayd abuuritaankiisu hore, laakiin maanta xaqiiq la arko isu bedeshay.

“Ilaahay baa mahad leh, waxaan doonayaa inaan bogaadiyo cid kasta oo qeyb ka qaadatay xaqiijinta mashruucan. Waxaan si gaar ah u timaamayaa gudoomiyaha DP World Suleyman, shaki la’aantiisi maalgelinta dekeda berbera iyo Aagga dhaqaalaha ee Berbera.”

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in xarumaha Aagga dhaqaalahu xilligan wadan walba lagu arko, caalamka shan kun iyo afar boqol xarumo ku yaalaan.

“Qaarada Afrika, dalka Masar toban xarumo Aag dhaqaale ayaa ku yaala, sidoo kale Eritrea iyo Jabuuti midba laba ayaa laga dhisay, Itoobiya 18, halka Kenya leedahay 61 Aag dhaqaale, Somaliland way hiigsanaysaa”

Ujeedooyinka ugu muhiimsan ee Aagga Dhaqaale waa in fursado shaqo abuur laga helo, maalgashi caalami soo jiitaan, iyo sare u qaadida kaabayaasha, iyo aqoonta.

“Aagga dhaqaalaha ee Berbera mowqiciisu faa’iidooyin dheeraad ah ayuu u leeyahay marin-badeedka ganacsiga Yurub iyo Afrika, iyo marinka wadamo badan oon bad lahayn, sida Itoobiya, Yuganda iyo Koonfurta Sudan”

Waxuu sheegay in shirkada DP World oo caalamka sumcad ku leh maamulayso Aagga Dhaqaalaha Berbera, kuna xidhnaan doonto dhigiisa shirkadu maamusho.

“si looga faa’iideeyo fursadaha muuqda waa inaan soo bandhignaa adeeg hufan iyo jawi ganacsi saaxiibtinimo. Waxaan u baahanahay inaan u sameyno suuqgeyn wanaagsan,”

Dr Sacad ayaa sheegay maadama imika wejigii koowaad ee mashruucu dhamaaday, waxa la eegaya waxqabadka qolyaha maamulkeeda loo xilsaaray, Aaga dhaqaalaha Berbera ganacsi ayuu diyaar u yahay. Waxaan u mahadcelinayaa shirkada bilaabay inay ka hawlgalaan, waanan ku soo dhoweynayaa qolyaha xiisaynaya inay ku soo biiraan.

 

 

Leave a Reply