Dareenka Farxadda Ee Nafta!

0
243

Kaalmee dadka aad garanayso iyo kuwa aanad garanayn, waayo waxaad dareemaysaa faraxad.  Adiguna xagga Allah (sw) ayaad ka helaysaa abaal iyo wanaag.  Wanaaga Abaalkiisu waa wanaag.

Waa tilmaan fiican iyo sifo ay dadku kuugu soo xoomayaan hareerahaaga naxariista ay kaa dareemaan,  Ummada ayaana kugu jeclaata xataa iyagoon aqoonba ku lahayn.

 

Arrimaha ilaalinta Allah (sw) lagu helo waxa ka mid ah inaad akhrisato aayad kursiga habeenkii markaad seexanayso iyo markaa aad waabariisato ee aad salaadda subax tukato.

Waxaa fiican inaad habeenkii seexato adigoon qofna caloosha waxba ugu hayn, oo laab xaadhan, haddii aanad hore u samayn is bar.  Dadkii hore ee wanaagsanaa (selef) waxay odhan jireen markay seexanayaan Allahayaw waxaan sadaqaystay qof kasta oo naftayda ku xadgudbay, in aan saamaxay ee Ilaahayow adiguna isaamax

Leave a Reply