“Dembiga La Inoo Haystaa Waa Maxaa Siyaad Bare Loo Riday, Sool, ee Sanaag iyo Cayn Wax Jira Maaha”

0
155

“Shacabka JSL waa inay abaabul qaran galaan, oo gacmaha isu-qabsadaan in Ciidamadeena geesiyada ahna loo gurmado.” Eng Faysal Cali Waraabe

 

 

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Siyaad Barre ku guuldaraystay inuu horistaago himiladii SNM inay dalka soo celiso markii shacabkii la xasuuqay, wuu ku guuldaraystay, imikana G21 ku guulaysan mayso, bulshada Somaliland-na waxuu ugu baaqay inay abaabul qaran oo dalka lagu difaacayo dalka diyaargaroobaan.

Shir jaraa’id Eng Faysal shalay ku qabtay xarunta xisbiga UCID oo fariin adag u diray maleeshiayadka qabiilka isku soo uruursanaya ayaa u sheegay in taariikhda Ciidanka Qaranku aan lagu sheegin goob lagaga adkaaday.

“Dadkii shicibka ee ku dhintay dagaalkii u dhexeeyey ciidanka Somaliland iyo xoogagii ku soo duulay laascaanood waanu ka xun nahay” ayuu sheegay Eng Faysal

Qorshahan dagaalka laascaanood ayu uku sheegay inuu yahay mid la doonayo in Somaliland laga saaro khariidada caalamka, waxaana ka shaqeeyey madaxweynahii hore Soomaaliya Farmaajo mudadii uu xukunka hayey.

“Qorshahani waxuu leeyahay guddi sare oo isir ku saleysan, oo G21 la yidhaahdo, oo Raysal-wasaareyaashii hore Cabdiweli Gaas, Cumar Cabdirashiid, madaxweynahii hore Farmaajo, Faarax Macalin oo xildhibaan Kenya ah.

Gudoomiye Faysal oo ka hadlayey sida qorshaha lagu soo weeraray dalkeena u ahaa mid xilli hore laga sii shaqeeyey ayaa sheegay in ciidamadii Eritrea lagu soo tababaray qeyb ka ahaayeen.

“Somaliland waxay ka mid tahay dalalkii Afrika ee xornimad ahelay 1960-kii, sida Kenya, Tanzania, saddexda dalka soomaalida ee Somaliland, Jabuuti iyo Soomaaliya waa saddex wadan oo Afrika taqaano oo xuduudo calami ah leh, cid ka saari kartaana ma jirto. Siyaad Barre ayaa isku deyey inuu horistaago himiladii SNM inay dalka soo celiso markii shacabkii la xasuuqay, wuu ku guuldaraystay, imikana G21 ku guulaysan mayso.”

Eng Faysal ayaa sheegya in durbaan isir la garaacayo la doonayo in Somaliland lagu burburiyo, waxaan leeyahay arrintu laascaanood ku ekaan mayso ee geyiga soomaali degto oo dhan way gaadhaysaa

“Muqdishada aad ka soo hanjabaysaan, ee hubka ka soo qaadanaysaan, nabad ku joogi maysaan, Soomaali inay meel walba oo ay wada degto ku dagaalanto ayaad wadaane, laascaanod ku ekaan mayso.

Gudoomiye Eng Faysal ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay abaabul qaran galaan, “Shacabka Somaliland waa inay abaabul qaran galaan, oo gacmaha isqabsadaan in Ciidamadeena geesiyada ahna loo gurmado.

“Waxana u sheegaynaa dadka ka soo ordaya Majeerteeniya, Boosaaso, kilinka shanaad, kismaayo, ee reer-reerka isu-qeybiyey, taariikhda meel lanagaga adkaaday ka heli maysaan, sababtoo ah dulmi dadka kuma doonano, maantana Ilaahay SW wuu noo hiilinayaa, insha alaah.

“Dembiga shacabka Somaliland loo haysto waa maxaa Siyaad Barre loo riday? Sool, iyo cayn wax la yidhaahdo ma jirto? Dalka waa la wada leeyahay. Talo qaran ayeynu doonaynaa inaan arrinka Somaliland ku difaacno, beentan abaabulan ee dal iyo dibed la gaadhsiiyey ku baabi’ino.

Eng Faysal ayaa ugu baaqya Garaadada reer Laascaanod inaan la majaro-habaabin, oo nin aan berri waxba u tari doonin maanta aanu maxastooda dab gelin,

“Gurri walba waa laga ooyayaa marka nin reer Laascaanod dhinto, marka nin Burco, hargeysa dhinto waa laga ooyayaa, qoys ayeynu nahay is-dhalay, abb ilaa abb, yaan la idinku guurin, dalkiinana la baabi’in, aynu waxeena dhamaysanno.”

“Majeerteeniya waxaan leeyahay, dadka ha soo lugeynina, deris ayeynu nahee, derisnimada ilaaliya. Siyaad barre ayaa Somaliland burburin kari waayey markii SNM la aasaasay, calanka tawxiidka ku bedeli maysaan calankii Buluuga ee dadkeena xasuuqay. Salaadiinta Caynaba fadhiya waxaan leeyahay ka soo noqda, laascaanood dawlada iyo G21 ayaa ku dagaalamayee, Beelo kuma dagaalamayaane, ka soo noqda.

 

Leave a Reply