Komiishanka Doorashooyinka oo u maha-dceliyey Hawlwadeeno soo shaqeeyey

0
246

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa u mahadceliyey hawlwadeeno la soo shaqeeyey diiwaangelintii Codbixiyeyaasha, kulan ay u qabteen.

Kullan mahadnaq iyo dhiirigalin ah oo shalay ay u qabteen shaqaalahii xarunta wicitaanka (Call-Centre staff) ee ka soo shaqeeyey hawlgalkii Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha 2022/2023. Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha KDQ, Agaasimaha Guud KDQ, iyo qayb ka mid Agaasimeyaasha waaxaha KDQ.

Hawlwadeenada xafiiska xidhiidhka KDQ ayaa qaabilsanaa ka jawaabista cabashooyinka iyo xog-siinta dadweynaha, haggida shaqaalaha iyo cilad-saarayaasha, xog-ururinta maalinlaha ah ee goobaha Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha.

Gudoomiyaha KDQ Md. Muuse Xasan Yuusuf oo ay wehelinayaan xubnaha KDQ ayaa hawlwadeenada ku bogaadiyey sidii hawlkarnimada ahayd ee ay u guteen waajibaadkooda shaqo isla markaana ay uga qaby qaateen hawlaha Diiwaan-galinta Codbixiyeyaasha Qaranka JSL.

 

 

Leave a Reply