Maxaad ii jidh-dishay?’: Shaqaale guri oo u halgamaysa in ay caddaalad hesho

0
167

“I caawi, waxaa i jidh-dilaya cidda aan u shaqeeyo,” Meriance Kabu ayaa qortay. “Maalin walba dhiig baa iga da’ay, i caawi!”

Dabadeed si degdeg ah ayay u laabtay warqaddii oo ay ka soo tuurtay albaabadii birta ahaa ee xidhnaa ee ku yaallay agagaarka Kuala Lumpur halkaas oo ay gabadh shaqaale ah ka ahyd.

Islaan meesha maraysa ayaa soo qaaday. Markii ay akhriday, waxa ay isla markiiba u geysay nin bilays ah oo shaqada ka fadhiistay oo ay isku guri wada degganaayeen. “Haddii ay halkaas joogi lahayd, hubaal way dhiman lahayd,” ayuu markii dambe yidhi.

Isla maalintaas, 20-kii Diseembar 2014, booliiska Malaysiya ayaa soo garaacay albaabka aqalka ay ku noolayd Meriance. Kamay tegin siddeed bilood gudahood.

“Waxaan dareemay sidii inaan sii dhacayo,” ayay tidhi, iyada oo dib u xasuusanaysa wakhtigii ay aragtay askarta. “Waxay igu yidhaahdeen, ‘Ha cabsanin, waan joognaa’, markaas waxaan dareemay xoog mar kale, waxaan dareemay inaan mar kale neefsan karo, saraakiishu waxay iigu yeedheen meel dhow, waxaanan u sheegay runta.”

Sheekadani waxa ay ka kooban tahay tafaasiil laga yaabo in akhristayaasha qaar ay dhibsadaan.

Sagaal sano ka dib, Meriance weli waxay u dagaalamaysaa caddaaladda. Kiiskeeda, oo aad uga fog mid gaar ah. Dhibaatada ku dhacday Meriance ayaa muujinaysa sida ay u nugul yihiin shaqaalaha muhaajiriinta ah ee aan sharciga haysan iyo inta jeer ee ay caddaaladd helaan xitaa kuwa badbaaday si ay u sheegaan sheekadooda.

2015, booliisku waxay ku dacweeyeen loo shaqeeyaha Meriance, Ong Su Ping Serene, inuu gaystay dhaawac aad u xun, isku day dil, ka ganacsiga dadka iyo xadgudubyada socdaalka. Waa uu diiday denbiyadaa.

Meriance ayaa ka markhaati kacday maxkamada ka hor inta aanay ugu dambayn gurigeedii ku laaban qoyskeeda. Laba sano ka dib waxay safaaradda Indonesia ka heshay war ah in dacwad oogayaasha ay laaleen dacwadda iyaga oo daliishanaya cadeymo ku filan.

Ninkii ay u shaqaynaysayna si xor ah uu isaga socdo. Taas badanaa way dhacdaa oo kiisas badan oo ku saabsan Shaqaale reer Indonisia ah oo la jidh dilay ayaa kiiskoodu sidaa ku dhammaadaa.

Ma cadda sababta ay sidaa kiisasku ugu dhammaadaan, laakiin u ololeyaasha reer  Malaysiya waxay ku tilmaamayaan dhaqan ka jira Malaysia, taas oo ah in aan dadka reer Indonesia ee shaqeeya lii arki muwaadiniin heerka labaad ah oo aan u qalmin ilaalin la mid ah tan Malaysiya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Malaysia ayaa sheegtay “inay xaqiijin doonaan in cadaaladda loo hogaansamo si waafaqsan sharciga”.

Sannadkii 2018 ayaa laba nin ka tahriibiyeen Meriance Indonesia waxay u wadeen Malaysia iyada oo adeege u noqonaysa Ong Su Ping Serene oo ah ninka jidh dika u geystay, jidh dilkaas oo ku keentay dhaawac halis ah” oo isbitaalka loo dhigay.

Dhibka soo gaadhay Meriance ayaa si faahfaahsan loogu sheegay xukunka, kaas oo sheegay in ninkii ay u shaqaynaysay uu si xun u garaacay, isla markaana uu sanka ka jabiyay uu marar badan ku jidh-dilay uu Kaawiyad kulul ku gubay, bir la dhacay, dubbe, budh iyo Waayir iwm.

Sideed sano ka dib, jidhkeeda weli calaamadihii jidh-dilka ayaa ka muuqda dibinteeda sare nabar baa kaga yaal, afar ilkaheeda ka mid ah ayaa maqan, hal dhegna way dilaacday.

Ninkeeda Karvius ayaa sheegay in uu garan waayay ka dib markii la soo badbaadiyay: “Aad ayaan u naxay markii ay i tuseen sawirada Meri ee isbitaalka.”

Sannadkii hore, Malaysia iyo Indonesia waxay saxeexeen heshiis lagu hagaajinayo xaaladda shaqaalaha guryaha ee Indonesia ee dalkaas. Indonesia ayaa hadda u ololaynaysa in kiiska Meriance dib loo bilaabo.

Shaqaalaha aan sharciyeysnayn sida iyada oo kale ayaa si gaar ah ugu nugul sababta oo ah baasaboorka ayaa laga qaadaa waxayna la nool yihiin loo cidda ay u shaqaynayaan oo waddan shisheeye ah, taas oo siinaysa fursado yar oo ay ku raadsadaan caawimo.

“Qof walba wuxuu u baahan yahay inuu qaato mas’uuliyad dheeraad ah,” ayay tidhi xildhibaanad Malaysian ah Hannah Yeoh oo doonaysa inay aragto soo afjarida waxa ay ku tilmaantay dhaqan aamusnaan ah oo dalka ka jira oo ku saabsan xadgudubyada loo geysto shaqaalaha guriga.

Wasaaradda shaqada ee Malaysia ayaa sheegtay in dalkooda ay ku sugan yihiin in ka badan 63,000 oo shaqaale guri oo Indonesian ah, waxa intaa dheer shaqaale aan sharciyeysnayn. Ma jiraan qiyaaso cad oo tirooyinkooda ah. Safaarada Indonesia ayaa sheegtay in ay heshay warbixino ku saabsan ku dhawaad ​​500 oo kiis oo tacaddi ah shanti sano ee lasoo dhaafay.

Meriance waxay rajaynaysay nolol wanaagsan. Shaqadeedu waxa ay ahayd in ay ilaaliso ayeeyo, oo Serene hooyadeed ah, taas oo markaas ahayd 93 jir.

Saddex toddobaad ka dib markay shaqadeeda ku jirtay, ayay sheegtay garaac lagu bilaabay.

Habeen fiid ah, Meriance waxa lagu yidhi kalluun kari, laakiin ayey ka wayday qaboojiyaha sababta oo ah Meriance ayaa si khalad ah ugu riday qaboojiyaha, meel Baraf badan leh ayey ku riday, Kalluunkii waxa ku dul fadhiisatay Baraf oo qariyey. Qofkii ay u shaqaynaysay ayaa baadhay qaboojiyihii waxaana uu ka soo saaray kalluunkii oo barafoobay ka dib madaxa ayuu kaga dhiftay Meriance oo dhiig ayaa dareeray.

Intaa ka dib, ayay tidhi, maalin walba waa la garaaci jiray. Waxay sheegtay in jirdilka iyo garaacu ay joogsadaan kaliya marka ay daalaan. Dhiigeeda dhulka ku dhacay dhulka iyo gidaarada ka nadiifin jirtay.

Wakhtiyo badan waxay ku fikirtay inay nolosheeda soo afjarto, laakiin fekerka afarta carruur ah ee dhashay ayey ka fekeraysay.

Danjiraha Indonesia Hermono ayaa gacanta ku haya kiis kale oo ku saabsan shaqaale guri oo la jidh-dilay loona galay si ka baxsan caqliga bini’aadamka” oo gaajo lagu dilay. Adelina Sau oo 20 jir ah markii la soo badbaadiyay waxa culeyskeedu ahaa 30kg. Kiiskeedii yaa hadda ku socota maxkamad.

Adelina Sau oo aan la badbaadin wakhtigii loogu talagalay. Waxa la sheegay in gaajadii iyo jidh dil ay u geysteen cidii ay shaqaynaysay ay keentay in ay geeriyooto.

Dacwad dil ah ayaa lagu soo oogay ciddii ay u shaqaynaysay balse sannadkii 2019-kii xeer ilaalinta Malaysia way laashay eedaymihii. Racfaan lagu doonayay in kiiska dib loogu furona ayaa waa la diiday.

Adelina waxay ka timid isla degmada Meriance ee Galbeedka Timor.

Meriance ayaa la kulantay Adelina hooyadeed oo ay isku tuulo yihiin waxay sheegtay, “inkasta oo gabadhaadu dhimatay codkeedii iyadu ku hadli doonto.”

Leave a Reply