Xusuusta Xabaalaha Dalxiiska

0
190

Waqooyiga magaalada Shekiago ee dalka Maraykanka waxa ku yaal Qabriga Graceland Cemetery. Qabuurahan oo dhisnaa tan iyo qarngii 19aad, aya taariikhda lagu qoray inay ku aasan yihiin dadkii halkaasi degena oo la sheegay inay ahaayeen dad wanagaasan oo aan dadka dhibaato u geysan jirin.

Waase aduunyo imisa boqor ayaa dhintay oo loo ooyay ka dibna ka tegay oo keliya qabri cidla ku yaal oo ay shimbiruhu hareerihiis hoy ka dhigtaan.

 

Taallo qabuurahan ka mid ah ayay ku sawiran tahay gabadh yar gabadhan oo la odhan jiray Anies Clark oo lix jir ahayd oo dhimatay sanadkii 1880 sida la sheegay ka dib ka dib markii ay usoo baxday inay beertooda  ku dhex ciyaarto. Inkastoo maalintaasi jawigu  wanaagsnaa iyaduna ay ku ciyaaraysay meel aan fogayn waalidkeed  oo isaguna beerta ka shaqaynayay, haddana hawada ayaa si kedis ah isu bedeshay,

Dabayl ayaa kacday markaasi ayay samadu onkod iyo hilaac isku dartay wax yar ka dib gabadhii yarayd waxa ku dhacay danab halkaasina way ku dhimatay iyadoo waalidkeedana arkayo. Sidaa darteed ayay dadka deegaanku ugu sameeyeen taalada gabadha yar si loogu xusuusto waalidka ugu samir siiyaan. Taaladan qubuurha ku dhex taala ayaa loo dalxiis tagaa, waxaana ay noqdeen xabaalaha ugu dalxiiska badan dalkaasi. Halka ay dalxiis ka dhigteen dalalka Islaamka waxaaba jira qubuuro iyaga wax la weydiisto oo la haysto in ay wax ku tarayaan.

Leave a Reply