Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Kulan la Qaatay Waxgaradka iyo Culimadda Magaalada Boorama

0
222

Boorama (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay magaaladda Boorama kulan la yeeshay waxgaradka, odayaasha, culimadda, iyo aqoon yahanka gobolka Awdal.

C/raxmaan Saylici, oo safar shaqo ku jooga magaaladda Boorama, waxaa kulankaasi ku wehelinayay madaxda heer gobol ee Awdal, iyo heer degmo ee Boorama.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war kooban oo ay baahisay waaxda warfaafinta ee madaxtooyadda jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo aan wax faahfaahin ah lagu sheegin, marka laga reebo in kulankaasi uu dhacay.

Waxaana la sheegay in kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha nabad-galiyadda iyo horumarka gobolka Awdal, sidii loo xoojin lahaa.

U jeedadda kulanka ayaa la xidhiidhay sidii ay waxgaradka, culimadda iyo aqoon-yahanka ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama, xukuumadda ugala shaqayn lahaayeen hawlaha adkaynta nabad-geliyadda.

Sidoo kale waxaa kulankaasi qayb ka ahaa aqon yahanka, iyo siyaasiyiinta u dhashay gobolka Awdal, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen xubno hore xilal wasiirnimo, iyo jagooyin kale uga sooo qabtay Somaliland.

 

Leave a Reply