Warshada Biyaha Laascaanood lama furfuran Madaafiicna kuma dhicin ee way bad qabtaa” Ciidanka Qaranka JSL

0
401

Laascaanood (Dawan)- Ciidanka Qaranka ayaa beeniyey in la burburiyey oo madaafiic ku soo dhaceen warshadii biyaha ee laascaanood (Saafi Pure Mineral Water), waxaanay sheegeen inay ciidan ilaaliya u xilsaareen.

Taliyaha Guutada 114aad ee Ciidanka Qaranka JSL Gaashaanle sare Maxamuud Cismaan dheri(Indha yare) ayaa beeniyey warar lagu sheegay in warshada biyaha ee Laascaanood la bililiqaystay, isla markaana madaafiic ku dhaceen.

Kormeer uu maanta ku tegay warshada biyaha ayuu ku sheegay inay ku sugan yihiin Warshada Biyaha Laascaanood ee Goojacade ku taalay, wax dhibaato ah oo soo gaadhayna ma jiraan, isagoo yidhi

“Warshada Biyaha Laascaanood ee Goojacade ku taala ,mudadii dhibaatadu dhacday Ciidanka ayaa ilaalinayey, lama furfuran, wax madaafiic ahna kuma dhicin.”

Taliye Indha-yare ayaa sheegay in Warshadu tahay hanti ummadeed, oo halbowle u ah nolosha ummada, qof walba inuu ilaashado waa muhiim, sidaa awgeed ayaan ilaalo adag ugu samaynay,

“Qolyaha faafinaya Wershadii biyaha waa la gubay, oo madaafiic ayaa lagu burburiyey, waxana leenahay waa been wararkaa waxba kama jiraan”

Ciidanka Qaranka ayaa la sheegay in bilowgii colaaaha laascaanood ay ciidamo u gaar ah u xilsaareen ilaalinta hantida dadweynaha gaarka ah iyo kuwa caamka ah, si looga hortago kooxaha dhaqankoodu yahay burburinta iyo bililiqaysiga.

 

Leave a Reply