Musharrax la Dilay oo loo Doortay Xilkii uu u Tartamayay

0
299

Musharrax u tartamayay inuu noqdo maayirka magaalo ku taal waddanka Ecuador  ayaa la dilay saacado kahor intii aanay furmin goobaha codbixinta, waxaanu geeridiisa kadib ku guulaystay doorashadii ka dhacday magaalada Puerto López.

Omar Menéndez oo 41-jir ahaa ayaa waxaa toogtay rag hubaysan oo ugu galay qol ay Sabtidii ku wada jireen isaga iyo dad kale oo kala shaqeynayay ololihiisa doorashada. Wiil dhalinyaro ah ayaa sidoo kale lagu dilay weerrarka. Booliska ayaa weli baadhaya sababta ka dambaysay weerrarkaasi.

Qof ka tirsan xisbiga Mr Menéndez ayaa la filayaa inuu geli doono booska siyaasiga la dilay oo uu sidaas ku noqon doono Duqa magaalada. Doorashooyinka dowladda hoose ayaa la qabtay xilli ay sare u sii kacayeen mowjado fal dambiyeedyo ah kuwaas oo ay saamayn ku leeyihiin budhcad mukhaadaraadka isticmaasha.

Mr Menéndez ayaan  ahayn siyaasiga kaliya ee la dilay waqti yar uun ka hor inta aan doorasho la qaban. Laba todobaad ka hor, Julio César Farachio oo u tartamayay inuu maayir ka noqdo magaalo xeebeedka Salinas ayaa toogasho lagu dilay.

Booliska ayaa xidhay qof looga shakisanyahay dilka Farachio kaas oo hore ugu gooddiyay 45-jirkaasi doorashada u tartamayay. Qofka laga shakisanyahay ayaa dhawaan laga soo daayay xabsi ka dib markii uu dhammaystay xukun loogu riday maandooriye uu kala gudbinayay, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

Illaa hadda ma jirto cid loo soo xidhay dilka Omar Menéndez, kaas oo raggii dilkiisa gaystay ay ku baxsadeen dhugdhugley. Madaxweynaha Ecuador Guillermo Lasso ayaa cambaareeyay dilalka la gaystay. Madaxweynaha oo ah muxaafid dhaqaaleyahan ah ayaa la daalaa dhacayay sidii uu wax uga qaban lahaa dilalka sii kordhaya ee ka dhacaya waddanka Ecuador.

Dilalka qorsheysan ayaa bilihii lasoo dhaafay kusii badanayay qeybo ka mid ah dalka Ecuador, iyadoo dowladduna ay isku dayeysay in ay wax ka qabato falalkaas amni darrada abuuray. Meelaha ugu daran ee ay dilalku saameynta ku yeesheen waxaa ka mid ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas, Guayaquil.

Bishii November ayaa labo gobol oo ka tirsan dalka Ecuador lagaga dhawaaqay xaalad deg deg ah ka dib markii ay dhaceen weerarro xidhiidh ah oo lagu dilay shan askari oo ka tirsanaa booliska.

Madaxweyne Guillermo Lasso ayaa sheegay in weerarrada ay fuliyaan budhcadda awooddoodu sii badaneyso ay ka dhigan yihiin dagaal lagu dhawaaqay.

Waxa ay budhcaddu ku hanjabeen in ay aargoosi ka sameyn doonaan shuruucda adag ee ay dowladdu u hirgelisay si loo yareeyo awoodda ay kooxahan ku leeyihiin xabsiyada dalkaas. Dad ka badan 400 oo qof ayaa tan iyo 2020-kii lagu dilay qalalaasaha ay xabsiyada gudahooda ka sameeyaan kooxaha hubeysan.

 

Leave a Reply