DR Congo: Weerar lagu qaaday Kolonyada baabuurta UN-ka

0
420

Ilaa saddex oo kamid ahaa dad dibadbaxyo ka dhigayay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa ku dhintay xilli weerar lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo ay Qaramada Midoobey laheyd. Howlgalka Qaramada Midoobey ee (Monusco) ayaa sheegay inay ka xun yihiin dadka dhintay xilli weerarka uu ka dhacay deegaanka Munigi ee gobolka North Kivu.

Howlgalka wuxuu intaa ku daray in dibadbaxyaasha ay ku khasbeen la joojiyo kolonyada, waxayna dab qabadsiiyeen afar kamid ah baabuurta xamuulka ah.

Dadkan ayaa dhintay xilli ciidamada nabad ilaalinta iyo ciidamada Congo ay isku dayayeen inay difaacaan kolonyada, ayaa lagu yidhi bayaanka kasoo baxay Qaramada Midoobey.

Kooxaha fallaagada ah ayaa dhawaan qabsaday dhul ballaadhan oo ka tirsan gobolkan, arrintaas oo dhalisay cadho dadweyne oo ka dhanka ah Qaramada Midoobey iyo ciidamada ka socda dalalka Bariga Afrika.

Dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay halkaas waxaa ku dhintay boqolaal qof halka kumanaan ay ka qaxeen guryahooda.

 

Leave a Reply