Xuska Maalinta Haweenka oo lagu Qabtay magaalada Hargeysa

0
218

Hargeysa (Dawan) Xuska maalinta caalamiga ah ee haween waynaha adduunka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Shaqo-gelinta arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Laga soo bilaabo sannadkii 1977-dii waxaa sannad kasta 8-da bisha Marso dunida looga dabal’dega maalinta haweenka Adduunka, kadib markii golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay maalintan sannadkii 1975-tii.

Xuska Maalinta haweenka Adduunka ee lagu qabtay magaalada Hargeysa oo ay ka qaybgaleen, xubno ka mida golaha wasiiradda, ururada ka shaqeeya arrimaha haweenka, madaxda hay’addaha maxaliga ah, qaar ka mida haweenka ku nool caasimada, ayaa lagu soo bandhiga guulaha ay gadheen haweenka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaale, siyaasadeed, daryeelka caafimaadka, hal abuurka, waxbarashada, hoggaaminta iyo arrimaha bulshada, sidoo kale door muhiim ah ka qaataan mareynta nolol maalmeedka qoyska, waxbarashada.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), oo ka hadlay munaasibadii lagu weynayay maalinta haweenka adduunka ayaa hanbalyo u diray guud ahaan haween weynaha Somaliland, waxaanu intaas ku daray in loo baahanyahay in haweenka la taageero lagana shaqeeyo sidii markasta wax loola qabanlahaa.

Guud ahaan masuuliyiintii ka hadashay munaasibada lagu weynaynayay maalinta haweenka adduunka ayaa boggaadiyay haweenka kana markhaati kacay doorka

Leave a Reply