Ma Taqaannaa Sababta Aanay Xadhkaha Korantadu ugu Dhegin Shimbiraha

0
327

Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona sababaha aanay xadhka laydhku ugu dhegin shimbiraha.

Korontadu marka ay qofka ku dhegto waxa ay awood u leedahay in ay ilbidhiqsiyo ku gaadho Wadnaha, waxa aanay khalkhal gelisaa habsami u socodka garaaca Wadnaha iyo in uu dhibaato khatar badan ku keeno xubnaha kale ee jidhka.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa yaab leh in aynu aragno shimbiraha oo ku taagan xadhkaha laydhka oo diiran, haddana aanay korontadu qabsanayn, haddaba waa maxay sababta ay shimbirtu kaga badbaadday khatartaas.

 

Qulqulka korontadu sidiisaba waa caajis mar kasta jecel hillinka ugu dhow in uu maro, sidaas awgeed marka ay shimbirtu ku dul istaagto, dabkii xadhiga marayey ma sameeyo sida la filayo oo ah in inta uu kor u kaco oo uu jidhkeeda dhex maro in haddana uu dib ugu soo noqdo qulqulkiisii caadiga ahaa ee xadhiga dhex marayey, balse taas beddelkeeda waxa uu qulqulku si caadi ah u sii wataa socodkiisii xadhiga oo uu cagaha shimbirta si caadiya u hoos maray.

Shimbirtu waxa ay ku taagan tahay hal xadhig oo labada cagoodba u saaran yihiin, haddiise cagta kale ay saari lahayd xadhiga kale waxaa dhici lahaa shoodh iyada khatar ku ah sida oo kalana shoodh dhalinaya, waana sababta ay shirkadaha korontada aad ugu kala fogeeyaan xadhkaha dabka, si loo badbaadiyo shimbiraha waa weyn ee labada xadhig isu taaban kara.

Shimhirtu marka ay xadhiga ku taagan tahay jidhkeedu ma taabanayo shay kale oo dhulka xidhiidh la leh, tusaale ahaan tiirarka xadhigu ku xidhan yahay, taas oo haddii ay dhacdo uu shoodh degdeg ahi geli lahaa.

Qodob kale.

Haddii qofku uu ku istaago miis ama shay aan korontada gudbinayn, kaddibna labada xadhig ee korontada midkood taabto, korontada ma dhex marayso jidhkiisa ama kuma dhegeyso, balse  haddii jidhkiisu uu taabto dhulka ama shay dhulka ku dheggen, waxa markiiba dhacaysa in ay korontada ku dhegto, sida oo kale haddii jidhkiisu uu taabto xadhiga labaad ee korontada waa uu qabsanayaa.

DIGNIIN:

Korontadu waa saaxiib aan gardarro lahayn, inta ay ammaan ka helayso gacanta qofka aan aqoonta u lahayn, waa se khatar dilaa ah haddii si farsamo ahaan qaldan loo farageliyo. Fadlan ka dheeroow xadhkaha korontada.

 

Xigasho: Kamaal Marjaan

Leave a Reply