Caadifadda Iyo Hawada Beenta Ah!

0
274

Dareenka Cadaafadda iyo caqligu waa labada tiir ee ugu muhiimsan dhismaha qofka, maadaama ay leeyihiin doorka ugu weyn ee saameeya hab-dhaqanka bini’aadamka, xumaan iyo samaanba.

Qofka inta badan waxa la kulma khilaaf gudaha ah oo u dhexeeya maskaxdiisa iyo dareenkiisa cadaafideed, khilaafkani waxa inta badan ka dhashaa go’aamo masiiri ah oo u horseedi kara qofka guul ama guuldarro

Daraasad cilmiyeed dhowaan la sameeyay ayaa caddaysay xaqiiqada khilaafkan, waxaana ay sheegtay in  Maskaxda aadanaha ay ku jirtaa khilaaf joogto ah oo u dhexeeya dareenka cadaafidda  iyo caqliga.

Labadan qaybood oo maskaxda ka mid ah ayaa ku tartamaya xakamaynta hab-dhaqanka qofka doonaya inuu go’aan degdeg ah ka gaadho arrimaha taagan.

Daraasad kale ayaa sidoo kale muujisay in xanuunka ay sababaan shucuurta iyo caadifadda qofku uu yahay “xanuun dhab ah” sida xanuunka jidhka oo kale, meelaha maskaxda ee ka shaqeeya marka uu qofku dareemo xanuun jidhka ahna ay sidoo kale ay wada shaqeeyaan marka dareenka iyo shucuurta qofku dhaawac soo gaadho.

Daraasad kale ayaa sidoo kale muujisay in xanuunka ay sababaan dareenka iyo dareenka dhaawaca uu yahay “xanuun dhab ah” sida xanuunka jirka oo kale, meelaha maskaxda ee ka shaqeeya marka uu qofku dareemo xanuun jireed ayaa sidoo kale shaqeeya marka dareenka qofkaasi uu dhaawacmo.

Dareenka caadifadda  iyo maskaxdu laba iska soo horjeeda oo is dhammaystira, haddii uu qofku ku guulaysan karo isu-dheellitirka dhexdooda ah, markaa qofku wuxuu awood u yeelanayaa inuu go’aanno sax ah qaato.

Caqli-ga iyo caadifad waa isku xidhan yihiin, mid walbana waa qayb ka mid ah, markaa haddii dheelli-tirnaan la’aani ku timaad midkood, waxa hubaal ah in dheellitirka kan kalena khalkhal gelaayo.

Caqliga iyo caadifaddu waa hibo ka timid Allah weyne (sw), oo uu ku dhex beeray nafta aadanaha. Tusaale ahaan dumarka waxaa laga yaabaa in dareenka cadaafaddu uu ka sareeyo kan fikirka caqliga,  waana hab-dhaqanka nolosha.  Waxaa halkaa kaaga soo baxaysa in hooyadu ay aabbaha uga jacayl badan tahay carruurteeda, halka ninku uu haysto awoodda caqliga ee  uu ku maareeyo danaha noloshooda joogtada.

Qoraaga “ The Art of Persuasion” “ Fanka qancinta” Mr.Harry Mills, , ayaa sheegay in dareenka cadaafiddu  uu ka miisaan culus tahay macquulnimada.

Waxaa kaloo xusid mudan in dareenka shucuurta caadifaddu ay u horseeddo isbeddel hab-dhaqan oo ka dhaqso badan sida caqligu sameeyo, dareenkuna waxa uu u baahan yahay dadaal ka yar inta caqligu u baahan yahay.

Harry waxa uu sii watay tusaaleyaal uu ka bixiyey qaar ka mid ah dareenadii caadifadda iyo isbedeladii ay sameeyeen. Dhacdooyinka kiciyey dareenka dadweynaha ee adduunka oo dhan, kana mid ahaa baaqii Martin Luther King ee sinnaanta caddaanka iyo madowga August 1963-kii ee dalka Maraykanka iyo wacdigiisii ​​caanka ahaa ee “I Have a Dream”, halkaas oo dareenku lahaa doorka ugu xooggan ee keenay isbedelka sinaanta labada midab.

Islaamka xukunka ay caadifaddu  hogaamiso waa inagu tusay tusaale badan.  Tusaale ahan :

”  Nabi Daauud (cs) waxa isula yimi laba Malag oo qaabkii Aadmiga iska soo dhigay, wakhti aanu filayn, midkood ayaa ayaa ku yidhi :” Walalkay wuxu leeyahay 99 neef oo ido ah aniguna waxan leeyahay hal lax ah, haddana waxa uu igu yidhi  “ Boqol ha noqotee iigu dar midhkaaga”

Nabi Daauud (CS) waa uu cadhooday waxa uu markiiba ku yidhi wuu ku dulmiyay,markuu ku waydiistay laxdaada,dad badan oo ah kuwa wax isku darsadaana way is dulmiyaan,”

Ninkii kale waxba muu waydiin, labadii malag ayaa is eegay wakhtigaasi ayu dareen galay oo uu ogaaday in  Imtixaan  ay ahayd su’aashu , waxaana uu la dhacay sujuud”. Waxa cad in aad degdeg   aanay ahayn wax la inoo ogol yahay, madaama Anabyadii Allah (sw) soo diray lagu imtaaxamay”.  Degdeg wax hogaamiya cadaafidda shucuurta aan si fiican caqliga looga shaqaysiin

Waxaana loo baahan yahay arrin kasta oo lagu dhaqaaqayo in uu noqdo mid ay caqli maangal ah loo adeegsday oo aan la raacin caadifad iyo dareenka shucuurta ee mudada dhow kaasi oo inta badan ku dhamaada fashil.

 

 

 

 

Leave a Reply