Talaabada la yaabka leh ee Sacuudi Carabiya ay ku soo celineyso xidhiidhka Iran ayaa waji cusub oo adag ku kordhineysa xidhiidhka dublamaasiyadeed ee ay la leedahay Israa’iil, kaas oo laga doonayo inuu noqdo mid waara.
Riyadh iyo Tehran ayaa Jimcihii ku dhowaaqay in toddobo sano oo xidhiidhkoodu kala go’naa in ay dib u furi doonaan safaaradaha iyo howlgallada laba bilood gudahood, ayna dhaqan gelin doonaan heshiisyada iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha ee ay kala saxeexdeen in ka badan 20 sano ka hor.
Heshiiska Shiinuhu gadh-wadeenka ka yahay ayaa dhaleeceyn xooggan ka dhex dhaliyay Israa’iil dhexdeeda, waxaana uu ku soo boodo ku noqday Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, kaas oo si cad u sheegay in uu Sacuudi Carabiya ka doonayo in ay qayb ka noqoto xulafada gobolka ee ka dhanka ah Iran.
Hogaamiyaha mucaaradka Israel Yair Lapid ayaa sheegay in ay ka dhigan tahay “guul darradii siyaasadeed ee arrimaha dibadda ee xukuumadda Israel”.
Hase yeeshee kormeerayaasha gobolka ayaa rumaysan in saameynta dhabta ah ee heshiiska ay aad u fog tahay marka la eego iskaashiga mustaqbalka Iran. Taas macnaheedu lama hubo inuu Iran siday filayso ugu dhaco, Israel-na lagama yaabo inuu noqdo siday uga baqayso.
Warkii jimcihii ama heshiiskii jimcihii, “Waxaad si cad u aragtaa in Sucuudigu uu mudnaanta siiyay isu soo dhawaynta Iran marka loo eego xidhiidh cad oo lala yeesho Israa’iil”. Waxa hubaal ah in xidhiidhkii Israel iyo Sucuudiga uu ku soo biiray doorsoome xisaabta qayb ka noqon kara.
Sucuudigu kumay biirin heshiiskii Abraham ee uu Maraykanka gadh-wadeen ka ahaa 2020-kii taas oo keentay in dowladda Yahuudda ay xidhiidh la sameyso laba ka mid ah dalalka deriska la ah Boqortooyada, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn.
Haddana waxaa jiray calaamado hoose oo muujinaya wada shaqayn suurtagal ah.
Heshiiska cusub ee Sucuudiga iyo Iran “wuxuu horseedi karaa farqi ballaadhan oo u dhexeeya Israa’iil iyo Sucuudiga haddii ay tani keento furfurnaan diblomaasiyadeed oo ballaadhan oo u dhexeeya boqortooyada iyo Iran”, ayuu yidhi Brian Katulis oo ka tirsan machadka Bariga Dhexe ee Washington.
“Israa’iil waxay ka shakisan tahay diblumaasiyad kasta oo ay la leedahay maamulka Tehran.”
Si kastaba ha ahaatee heshiiska Sacuudiga iyo Iran “guul dublamaasiyadeed oo cad oo Iran ayuu u yahay Iran, wuxuuna dhirbaaxo ku yahay Netanyahu, ayuu yidhi Nicholas Heras oo ka tirsan Machadka Istaraatiijiyadda iyo Siyaasadda ee New Lines.
“Sacuudi Carabiya, oo ay si weyn u shukaansanayso Israa’iil, ayaa kaliya fariin weyn u dirtay xukuumadda hadda jirta ee Israa’iil oo ah in Israa’iiliyiintu aanay ku xisaabtami karin Riyadh inay taageerto tallaabada militari ee Israel ka dhanka ah Iran, meel kasta oo ka mid ah gobolka,” ayuu yidhi.
Laakiin dad kale ayaa qaba in heshiiskani yahay waa mid aad u yar, oo diiradda saaraya arrimo gaar ah sida dib u furista safaaradaha iyo dib u soo celinta xidhiidhka ganacsiga iyo sidoo kale ka ilaalinta weerarrada. Sida Fatima Abo Alasrar, oo ah aqoonyahan wax ka dhiga machadka Bariga Dhexe. .
“In kasta oo tallaabooyinkan ay lagama maarmaan u yihiin hagaajinta xidhiidhka dhaqaale iyo yareynta xiisadaha labada dal, haddana lagama hadlin khilaafyada ballaadhan ee xagga fikirka iyo siyaasadda ee dhaliyay xafiiltankooda muddada dheer.”
Furfurnaanta Sacuudi Carabiya ee ah in ay dib ula macaamilaan Iran ayaa sidoo kale loo arki karaa inay qayb ka tahay damac dublamaasiyadeed oo weyn oo ku lug lahaa in la xaliyo khilaafka Qatar iyo Turkiga.