Qaramada Midoobay oo shidaalka ka dhuraysa Markab Shidaal oo mudo ku xanibnaa xeebaha Yemen

0
255

Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii sheegtay inay iibsatay markab lagu wareejinayo in ka badan hal milyan oo foosto oo saliid ah oo ku jira Markab Tangar ah oo mudaba ku xanibnaa Xeebaha Yamen. Saliidan oo laga badbaadinayo xeebaha Badda Cas ee Yemen, waxa hawlgalkeeda la qorsheeyay in la bilaabo horraanta bisha May.

Isku-duwaha Qaramada Midoobay ee deegaanka isla markaana ah isku-duwaha bani’aadamnimada ee Yemen, David Gressly, ayaa sheegay in shidaal Markabkaa la badbaadinayo inuu Badda ku daato ka dibna ay ka dhalato Masiibo’aadanimo. Gressly ayaa sidaa u sheegay war-fidiyeenka isaga oo jooga Cadan.

“Iibka markabkani, waa tallaabadii ugu muhimsanayd ee loo qaaday xallinta arrinta markabka FSO Safer oo badda Yamen ku sugnaa ilaa siddeeddii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yidhi Gressly.

Markabkan oo jiray 47 sanno waxay Qaramada Midoobay ku tilmaamtay bam wakhti gaaban ah xilli kasta daadan kara, oo samayn kara masiibo deegaan iyo mid bini’aadanimo oo ballaadhan. Burburka deegaanka iyo burburka dhaqaale ayaa saameyn doona wadamada ku xeeran gobolka Badda Cas waxaana ku baxaya ilaa 20 bilyan oo doolar si loo nadiifiyo, waxa kale oo ka dhalan kara carqaladeynta maraakiibta caalamiga ah ee mara marinka Bab al-Mandab ee marinka Suweys.

Safer ma helin wax dayactir ah tan iyo 2015 markaas oo uu ku soo beegmay dagaalkii sokeeye ee Yemen.

Madaxa barnaamijka horumarinta ee Qaramada Midoobay ayaa u sheegay warfidiyeenka in hay’addiisu ay khamiistii heshiis la saxeexatay shirkadda maraakiibta Belgian ee Euronav si ay u iibiso waxa aad u Weyn, ama VLCC. Markabkan oo dhererkiisu dhan yahay 332 mitir ayaa waxa uu ku kacay 55 milyan oo doolar.

“Markabkaasi hadda waxa uu ku sugan  yahay meel qallalan si loogu dayactirka lagama maarmaanka ah ka hor inta aanu u dhoofin dhinaca Badda Cas si loo garab dhigo FSO Safer, kaas oo hadda ku sugan meel 4.8 miles u jirta Jaziiradda Ras Isa ee Yemen,” ayuu yidhi maamulaha UNDP Achim Steiner. “Markaas ka dibna markabka ayaa markabka kale laga wareejinayaa saliidda.”

Waxa uu sheegay in markabka cayriin uu hadda wax ka beddelka ku marayo Shiinaha, lana filayo in bisha soo socota uu u shiraacdo Yemen. Halkaa waxa ku biiri doona khubaro ka socota shirkadda salvage SMIT, kuwaas oo fuuli doona Safer si ay u fuliyaan hawlgalka wareejinta, kaas oo qaadan doona wax ka yar laba bilood.

Qaramada Midoobay ayaa dhowr sano isku dayeysay in ay bilowdo howlgalkan, balse caqabado ka yimid fallaagada Xuutiyiinta oo maamula aagga oo haystay Safer, ayaa la xaliyay hal sano ka hor oo kaliya. Arrinta maalgelinta hawlgalka ayaa markaa ka hor istaagtay inuu si degdeg ah u socdo.

Markii hore waxaa lagu qiyaasay 80 milyan oo doolar, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in qarashka ku baxay uu sare u kacay sanadkii la soo dhaafay, waxaana sabab u ah duulaanka Ruushka ee Ukraine. Hawlgalka hadda socda ayaa la filayaa in ay ku baxdo lacag dhan 129 milyan oo dollar, taas oo 95 milyan oo ka mid ah la hubiyay.

Markabka Safer waxa uu sidaa 1.1 milyan oo foosto oo saliid ah – oo afar jeer ka badan shidaalkii Exxon Valdez oo ku dhacay Alaska 1989kii, taas oo sababtay mid ka mid ah masiibooyinka deegaanka ee ugu weyn taariikhda Maraykanka.

Leave a Reply