Mashruuca Daryeelka Bulshada & Caruurta oo Hargeysa laga daahfuray

0
258

Hargeysa (Dawan)- Mashruuca daryeelka Bulshada iyo Caruurta oo ay iska kaashanayaan Wasaarada Shaqo-gelinta iyo Arrimaha bulshada iyo hay’adda UNICEF, isla markaana y qeyba ka yihiin Wasaarado iyo hay’ado kale ayaa shalay laga daahfuray caasimada Hargeysa.

Mashruucan oo uu maalgeliyey Baanka Jarmalka ee KFW ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqo-gelinta Axmed Xasan Aw Aadan oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in mashruucani dhaqaale aan shuruud ku xidhnayn siinayo hooyada uurka leh iyo dhalaanka kunka habeen ee noloshooda u horreeya.

Mashruucan oo degmo keliya tijaabo ahaan looga fulin doono ayaa la sheegay inay ka faa’iideysan doonaan shan kun iyo afar boqol oo qoys.

Wasiir-xigeenka Maaliyada Marwo Rooda Jaamac Cilmi oo hadal ka jeedisay ayaa sheegtay inay farax u tahay joobjooga mashruuca lagu taageerayo hooyada iyo dhalaanka.

Marwo Rooda ayaa sheegtay in la dareemi karo marxalada hooyadu la kulanto, qof kastoo soo marayna wuu garanayaa, waana mashruuc bilow u ah sidii hooyada uurka leh iyo ilmaha yar loogu caawin lahaa

Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan dawladaha iyo hay’adaha taageeraya hooyada iyo dhalaanka. Mashruuca taageerada ayuu sheegay inay la socoto caafimaad iyo nafaqeynta inta u baahan,

Waxaynu u baahan nahay sidii aynu bulshadeena waxtarkeeda iyo maamulkeeda ugu filaan lahayn mustaqbalka, lagama maamrmo ku xidhnaanta gacmo dibadeed ayuu sheegay Wasiir Cali Xoor-xoor.

Masuuliyiin Baanka Horumarinta Jarmalka iyo Hay’adda UNICEF oo munaasibada hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay mashruucan iyo mhiimada uu leeyahay, iyo siduu qeyb weyn uuga qaadan doono daryeelka bulshada gaar ahaan hooyada iyo dhalaanka.

 

 

Leave a Reply