Wefti Madaxdhaqameed ah oo Qado-sharaf loogu Sameeyey Hargeysa

0
276

Hargeysa (Dawan) Munaasibadan hadhimo sharafta ah ayaa waxa magaalada Hargeysa loogu sameeyey Boqorka guud ee Beelaha Dir Boqor Cabdirisaaq Xaaji Muuse iyo wefti uu hogaaminayo oo uu kamid yahay Ugaaska Guud ee Irir Samaale iyo xubno kale oo booqasho ku joogay dalka todobaadyadii u dambeeyey, waxaana xafladaasi ku maamusay Madaxdhaqameedka Beelaha Axmed Sh. Isaxaaq (Toljecle).

Xafladan waxa ka qaybgalay Suldaanka guud ee Beesha Toljecle Suld. Axmed Daahir Muuse, Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo kamida isimada Gobolka Sanaag, Gudd. Ku-xigeenka Wargeyska Dawan Saleban Cabdi Cali (Kalshaale), Cuqaal,culimo-awdiin iyo waxgaradka Beeshaasi.

Madaxdhaqameedka iyo masuuliyiinta oo halkaasi ka hadlay ayaa weftiga Boqorku hogaaminayo uga mahad celiyey booqashada isir xidhiidhinta ah ee ay dalka ku yimaadeen, waxaanay ku amaanneed deddaalka balaadhan ee ay arrintaasi geliyeen, iyagoo booqasho ku galaa bixiyey Dhulka Soomaalida ee ay degaan Qoomiyada Dirku.

Boqor Cabdirisaaq Xaaji Muuse iyo Ugaas Cabdilaahi Ugaas Ismaaciil oo ku hadlay afka weftiga ayaa beesha Toljecle uga mahad naqay soo dhaweynta iyo casuumad-sharafeedka ay u fidiyeen, waxaanay ka warameen taariikhda iyo isirka ka dhexeeya Beelaha ay hogaanka u yihiin dega guud ahaan geyiga Somalida.

Dhamaan Madaxdhaqameedka iyo masuuliyiinta munaasibada ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo Iskaashiga iyo xidhiidhka ka dhexeeya umaddahan walaalaha ah, iyadoo iskaashigaasi uu noqonayo mid wanaaga iyo horumarka bulsho ku taxaluqa.

 

 

 

Leave a Reply