Guddida Horumarinta Waxbarashada Qaranka JSL oo Mudnaanta Siinaya Adeeg-bixinta waxbarasho ee Dhulka Miyiga

0
197

Hargeysa (Dawan) Guddida horumainta waxbarashada Qaranka Somaliland ayaa shalay yeeshay kulankoodii 12-aad.

Kulankan waxa shir guddoominayay guddoomiyaha horumarinrta waxbarashada Qaranka Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, waxaana lagaga wada hadlay ajendayaal dhawr ah, intii kulanku socday, kuwaas oo ay mudnaayeen fidinta waxbarashada iyo sidii ubadka Somaliland looga hor-qaadilahaa caqabadaha ka hortaagan ka qaybgalka waxbarashada aasaasiga ah.

Intii uu socday socday kulankaasi waxa ay xubnaha guddidu waxbarashada waxa warbixin kooban siiyey agaasimahaa Waxbarashada tooska ee wasaaradda waxbarashada Xuseen Cabdi Cawil (Foodcadde), oo la wadaagay guulaha laga gaadhay fidinta waxbarashada, caqabadaha jira iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Gaba’gabadii xubnaha guddida horumarinta waxbarashada Qaranka JSL, ayaa Isla qaatay in mudnaanta kowaad la siiyo sidii carruurta Somaliland loogu fududayn lahaa ka qayb galka waxbarashada iyadoo miyiga xoogga la saaraayo, islamarkaana loo xoojin lahaa barnaamijyada tiknoolajiyada Waxbarashada.

 

 

 

 

 

Leave a Reply