Japan oo xusaysa 12 sano ka dib Musiibadii Nukliyeerka ee Tsunami

0
191

Japan ayaa Sabtidii xustay sannad-guuradii 12-aad ee ka soo wareegtay dhul-gariirkii weynaa ee Tsunami iyo masiibadii Wershadii Nukliyeerka, hal daqiiqo ayaa  loo aamusay, iyada oo walaac laga muujinayo qorshaynta la qorsheeyey in la sii daayo biyaha shucaaca leh ee la daweeyay ee ka yimi warshaddii Nukliyeerka ee Fukushima ee ku burburtay iyada oo dawladu qorshaynaysa in dib loo soo celiyo tamarta Nukliyeerka ee wershadaa.

Dhulgariirkii cabirkiisu ahaa 9.0 magnitude iyo tsunami-dii ku dhuftay qaybo badan oo ka mid ah xeebaha waqooyi bari ee Japan March 11, 2011, waxa ku dhintay in ka badan 22,000 oo qof, oo ay ku jiraan ilaa 3,700 kuwaas oo masiibada ka dib dhintay  lala xidhiidhiynayo masiibada.

Daqiiqad aamusnaan ah ayaa dalka oo dhan laga qabtay 2:46 duhurnimo ee wakhtiga dalkaas oo ku beegnayd markii uu dhulgariirku dhacay.

Qaar ka mid ah dadka deggan ismaamulada waqooyiga ay ku dhufatay tsunami ee Iwate iyo Miyagi ayaa u lugeeyay xeebta si ay ugu duceeyaan eheladooda oo ay ku jiraan ilaa 2,519 qof oo aan meydkoodiii la helin.

Tomioka, mid ka mid ah magaalooyinka ku dhowaa Fukushima oo baadhitaanadii ugu horreeyay laga baqay shucaac dartiis, ayaa dab-damiska iyo booliisku waxay adeegsadeen ulo iyo soo qabatooyin waxaanay dhexmareen xeebta iyaga oo raadinaya hadhaaga suurtagalka ah ee dhibbanayaashii ama alaabtoodii.

Dugsi hoose oo ku yaal Sendai, oo ku yaal ismaamulka Miyagi ee waqooyiga Fukushima, ayaa dadkii ka qayb gelayey xusku waxay sii daayeen boqollaal buufino ama Biibiilayaal ah oo midabo kala duwan leh si ay u xasuustaan ​​dadkii ay waayeen.

Magaalada Tokyo, daraasiin dad ah iyo ururada u ololeeya ka hortaga Nukliyeerka ayaa isugu soo baxay munaasabad sanadguurada oo ka dhacday jardiinooyin ku yaal badhtamaha magaalada. Dhulgariirkii iyo Tsunamigii ku dhuftay wershadii Nukliyeerka ee Fukushima Daiichi oo ku taalay xeebta ayaa keenay in ay burburaan awooddeedii iyo qaboojiyeyaashii, taas oo keentay in ay dhalaalaan saddex ka mid kaydkii ay ku jireen waxyaabaha laga sameeyo Nukliyeerka oo Sun ah waxay keentay in ay wershada ka baxaan shucaac aad u badan oo sababay in tobanaan kun oo qof oo degganaa ay ka guuraan.

 

In ka badan 160,000 oo qof ayaa hal mar ka guuray, ilaa 30,000na weli may awoodin inay soo laabtaan sababo la xidhiidha saameynta shucaaca ee muddada dheer ama welwelka dhinaca caafimaadka ah. Qaar badan oo ka mid ah dadkii la soo celiyey ayaa  dib loo dajiyay meelo kale, waxaana inta badan magaalooyinka ay dhibaatadu saameysey la arkay hoos u dhac weyn oo dadka ku nool tobankii sano ee la soo dhaafay.

Guddoomiyaha Fukushima Masao Uchibori ayaa ka sheegay munaasibada in sun-saaridda iyo dib-u-dhiska ay sameeyeen horumar, laakiin waxa uu yidhi “Weli waxaan wajahaynaa dhibaatooyin badan oo adag”. Waxa uu sheegay in dad badan ay wali meesha ka baxayaan, maamulkana wuxuu la daalaa dhacayaa culayska nadiifinta dhirta iyo saamaynta ay keeneen wararka xanta ah ee ku saabsan caafimaadka mustaqbalka iyo biyaha la daweeyay ee la sii dayn doono.

Hawl-wadeenka warshadda Fukushima, Tokyo Electric Power Company Holdings iyo dawladduba waxay wadaan diyaargarowgii ugu dambeeyay ee badda loogu sii dayn lahaa in ka badan 1.3 milyan oo tan oo biyo shucaac ah oo la daweeyay, laga bilaabo bilaha soo socda.

Dawladdu waxay sheegtay in siidaynta biyaha la qaatay ka dib markii lagu daweeyey heerar nabdoon dhowr iyo toban sanona ay nabad ahaayeen, laakiin dad badan oo deggan iyo sidoo kale deriska Shiinaha iyo Kuuriyada Koonfureed iyo wadamada jasiiradaha Pacific ayaa ka soo horjeeda. Bulshooyinka kalluumaysatada ayaa si gaar ah uga walaacsan sumcadda kalluunka gudaha iyo ganacsigooda oo weli soo kabanaya.

Guddoomiyaha Fukushima Masao Uchibori, khudbadiisii ​​usbuucii hore wuxuu ku booriyay dawladda inay ku dadaalaan sidii ay uga hortagi lahaayeen wararka xun xun ee ku saabsan sii daynta biyaha oo dhaawacaya sawirka Fukushima.

Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa isaguna dib u cusboonaysiiyay ballan qaadkiisii ​​ahaa in uu taageero dadaallada dib u dhiska ah ee socda.

“Biyaha la daweeyay ee la shubay waa tallaabo aan dib loo dhigi karin,” ayuu Kishida u sheegay saxaafadda xafladda kaddib. Waxa uu ku celceliyay ballanqaad hore oo ahaa in aan siideynta aan la fulin doonin iyada oo aan la fahmin

Leave a Reply