Iran oo Ruushka ka iibsanaysa diyaaradaha dagaalka ee Jet Su-35

0
169

Iran ayaa heshiis la gaadhay Ruushka in diyaaradaha casriga ah ee Su-35 ay ka iibsato dalkaa, warbaahinta dowladda Iran ayaa Sabtidii sheegtay, iyada oo ay Iran sii ballaadhisay xidhiidhkeeda ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ay samaysay oo loo adeegsaday dagaalka Ruushka ee Ukraine.

“Diyaaradaha dagaalka ee Sukhoi-35 farsamo ahaan waa mid ay aqbali karto Iran, Iran-na waxay soo gebagebaysay qandaraaskii ay ku iibsan lahayd”sidaasi waxa tidhi idaacada IRIB oo soo xiganaysa ergada Iran ee Qaramada Midoobay oo ku sugan New York.

Warbixintu ma aanay sheegin wax xaqiijin ah oo dhinaca Ruushka kuna saabsan heshiiska, kaas oo aan faahfaahintiisa la shaacin. Ergada Iran ayaa intaa ku daray in Iran ay sidoo kale wax layska weydiiyey in diyaarado kale oo militari Iran ka iibsato dalal kale oo aan la magacaabin, ayey IRIB sheegtay.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa bishii July ee la soo dhaafay magaalada Tehran kula kulmay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, isaga oo carabka ku adkeeyay in xidhiidh dhow uu la yeelanayo Iran cadaadiska reer galbeedka ee dagaalka Ukraine awgii.

Iran ayaa qiratay inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ay u dirtay Ruushka balse waxay sheegtay in loo diray ka hor duulaankii Moscow ee Ukraine sanadkii hore. Xukuumadda Moscow ayaa beenisay in ciidamadeedu ay Ukraine u adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ay samaysay, inkasta oo qaar badan oo ka mid ah lagu soo riday halkaas.

Ciidanka cirka Iran waxa ay haystaan ​​dhawr iyo toban diyaaradood oo weerar ah oo ay ku jiraan nooca Jet ee Ruushka, iyo sidoo kale noocyo Maraykanka ah oo duqoobay ayna ka heshay Maraykan ka hor kacaankii Iran ee 1979kii.

Sannadkii 2018-kii, Iiraan waxay sheegtay inay billowday wax-soo-saarka diyaaradeheeda dagaalka ee Kowsar oo gudaha lagu nashqadeeyay si loogu isticmaalo ciidamadeeda cirka. Qaar ka mid ah khubarada militariga ayaa aaminsan in diyaaradahaasi yihiin nuqul laga dheegtay diyaaradaha F-5 oo markii ugu horreysay uu Maraykanku soo saaray 1960-meeyadii.

 

Leave a Reply