“Waxa aynu u Baahanahay Xukuumad iyo Shacab ba in aynu Isku Tashano” Wasiirka Maaliyadda

0
233

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in loo baahanyhaya in Xukuumad iyo shacaba laysku tashado.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Sacad Cali Shire ayaa waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in dadku badiyaan dhigaalka, isla markaana la sameeyo sanduuq horumarineed.

Sacad Cali Shide oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa in aynu inagu isku tashano Hay’adaha Caalamka ee wax ina siiyaa waa mahadsanyihiin, laakiin waxa aynu u baahanahay in aynu si gaara iskugu tashano. waana in aynu samayno sanduuq horumarineed oo Miisaaniyadda ka mida oo lagu soo ururiyo,Mashaariicaha kala firiqsan ee Wasaaradaha hoos yimaada.hadii aynu go,aan sanno boqol kiiba labataan Miisaaniyadda in aynu sanduuqaas ku shubno waxa inoo soo bixi doona ilaa lixdan Milyan,waana in aynu ka faa,iidaysano Ganacsiga gaarka loo leeyahay hantidooda.waxaana aynu uga faa,iidaysan karnaa hadii aynu samayno shirkad saami leh.waxaana aynu u baahanahay in aynu ka faa,iidaysano oo dadkeena ku dhiirigalino in ay badiyaan dhigaalka aad iyo aad ayuu u hooseeyaa,waxaana aynu u baahanahay hadii aynu nahay Xukuumad iyo shacabka in aynu ku tashano, in aynu bixino kharashka loo baahanyahay looga baahanyahay in lagu dhaqangaliyo qorshaha qaranka ee saddexaad”.

 

 

 

 

Leave a Reply