Nuxurka Tallo soojeedimihii Guddi hoosaadyada Golaha Guurtida JSL

0
425

Hargeysa (Dawan) Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golahaa mudane Siciid Jaamac Cali, waxa goluhu warbixino ku saabsan talo soojeedimihii guddi hoosaadyaada kala duwan ee golahaasi ka dhageysteen xoghayaha guud ee golahaa Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi.

Xoghayaha guud ee golaha guurtida ayaa sharaxay waxyaabihii u qabsoomay golahaasi, muddadii ay ku gudajireen Kalfadhigii 80-aad ee golahaasi, oo ay ka mid ahaayeen warbixinihii shir-guddoonka golahaasi, ansixintii ajandaha, baaqi nabadeed ee golahaasi ka soo saaray xaalada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyo ansixinta xeerarka kala duwan ee golahaasi horyaalay.

Sidoo kale xoghayaha guud ee golaha guurtida Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi, waxa uu warbixintaas kaga waramay tallo soojeedimihii ay soo jeediyeen guddi hoosaadyada golahaasi.

Cabdinaasir Aadan Beegsi xoghayaha guud ee golaha guurtidu waxa uu golaha la wadaagey talo soojeedimahaas, ahaa in ciidamada ammaanku ay helaan qalab lagaga gaashaanto ka hortaga rabshadaha, in ganacsatada laga mabnuuco inay dirayska ciidanka ka ganacsadaan, hawsha dirayskuna ay ku koobnaato dawladda oo kaliya, in tallaabo laga qaado dadka shacabka ah degsiimooyinka cusub ka sameynaya dhul daaqsimeedka si loo badbaadiyo dhulka xoola daaqeenka, in cidkasta oo ku kacda hadalo kala fogaynaya bulshada in lala xisaabtamo, in laga qayb qaato taakulaynta loo fidinayo bulshadii ku barakacday dagaalkii Laascaanood, in dhammaanba bulshooyinka u kala safraya gobollada iyo degmooyinka dalka la weydiiyo kaadhka muwaadinka, in la balaadhiyo helitaanka biyaha caasimada Hargeysa, in wasaaradda degaanka iyo isbeddelka cimilada Somaliland ay xidho seerayaasha xilligii abaarta lagu baxsan jiray, in wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ay sameyso barnaamijyo tayaysan kuna saabsan dhaqanka, diinta iyo wacyigelinta bulshada, si bulshada looga ilaaliyo wararka been abuurka ah, in tayada macalimiinta dugsiyada ka hawlagasha kor loo qaado, lana tayeeyo waxbarashada dugsiyada dawladda, in xoolaha suuq loo raadiyo lana joojiyo suuqi hore ee xoolaheena, in wax-soo-saarka beeraha kor u qaadis lagu sameeyo, in carruurta sharciga khilaafta gobollada dalka looga sameeyo xabsiyo u gaar ah, in kalluumeysiga la barro bulshada si looga faa’idaysto khayraadka baddaheena, in xukuumadda iyo golaha guurtidu iska kaashadaan curinta xeerar ka waramaya dhaqanka, diinta iyo ilaalinta abniga dalka, xeerarkaaasina ay ku soo horeeyaan golaha guurtida, in la curiyo xeerkii labada gole ee Guurtida iyo Wakiilladu kuwada shaqayn lahaayeen.

 

 

 

Leave a Reply