Hay’adda Caalamiga ah ee ICRC oo Jeelka ku booqatay Maxaabiistii lagu Soo Qabtay Dagaalkii Laascaanood

0
214

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijisay in maxaabiista ku jira jeelka Hargeysa loola dhaqmay si waafaqsan qawaaniinta iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasaaradda Caddaaladda ayaa caddeysay inay maanta 15 March 2023 u fududaysay socdaal ay Guddida Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ku tageen Jeelka Hargeysa, halkaas oo ay ku booqdeen maxaabiistii lagu soo qabtay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Laascaanood.

Qoraal lagu baahiyey barta rasmiga ah Twitter ee Telefishanka Qaranka ayaa lagu sheegay in xukuumadda Somaliland caddaynayso in dhammaan maxaabiista loola dhaqmay si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ahba, waxaanay uuga faa’iidaysanaysaa fursaddan inay caddayso inay ixtiraamayso xuquuqal insaanka.

 

Leave a Reply