Guddoomiyaha Degmada Maxamuud Haybe oo Digniin Adag Dul-dhigey Bulshada

0
152

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha Degmada Maxamuud Haybe, ee magaalada Hargeysa, Axmed Cawl, ayaa sheegay in ay tallaabo adag sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan, bulshada xilli roobaadka Qashinka raaciya biyaha.

Waxa uu xusay in xilliga roobka haween badani ay xashiishka raaciyaan daadka, waxaanu tilmaamay in uu xanibo Biya-mareenada, isla markaana ay ka dhalato fatahaad, waxaanu intaas ku daray in gaadiidka qaada Qashinku uu ku dhex wareegayo xaafada degmada Maxamuud Haybe isaga oo ku wargelinaya in goobaha biyo mareenada ay ka ilaaliyaan xashiishka ooda iyo waxkasta oo awdi kara.

Geesta kale waxa uu bulshada ku nool degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, ka codsaday in ay ka hawlgalaan sidii ay dawladda hoose gacan uga siinlahaayeen goynta Geedka Garanwaaga, oo uu tilmaamay in uu yahay aafo degaanka ku soo korodhay.

Gaba’gabadii waxa uu ku wargeliyay inay soo bixiyaan cashuur sannadeedka ku waajibay, isla markaana la soo dhakhsadaan, isaga oo ku ammaanay sida wanaagsan ee ay markasta cashuurta kuwaajibtay u soo bixiyaan.

Leave a Reply