Xikmadaha Maanta

0
523

Awood uma lihid inaad bedesho muuqaalkaaga si aad u noqoto kan dadka ugu quruxda badan jidh ahaan laakiin waxaad awood u leedahay inaad bedesho dhaqankaaga si aad u noqoto kan dadka ugu akhlaaqda wanaagsan.

Xikmad:  Shimbiruhu waxay cunaan qudhaanjada, laakiin markay dhimato qudhaanjada ayaa cunta, sidaasi ayay duruufuhu isu bedelaan.   Waxa laga yabaa inaad maanta xoog tahay laakiin isbedelada dunida iyo wakhtigu ayaa  kaa horeeya.

Xikmad: Ha barin caruurtaada sidii ay maalqabeen u noqon lahaayeen , laakiin bar  inay  farxada ku noolaadaan , markaasi ayay baranayaan faa’iidada alaabooyinka , laakiin ma baranayaan sicirkooda.

Xikmad;Waxay doonayeen in nebi Yuusuf (cs) dhinto oo ay dilaan walaladi ceelka ku riday, laakiin muu dhiman. Kuwii ceelka ka soo saaray waxay doonayeen in laga dhigto adoon, laakiin wuxu noqday madax qiimo leh. Sidaas darteed haka baqan hana ka werwerin aadamiga waxay kuu shirqoolayaan, waayo rabitaanka Allah (sw) ayay wax kasta ku hirgalaan.

Leave a Reply