Cuntooyin Xoojiya Shaqada Jidhka!

0
358

Maskaxda ayaa lagu qiyaasay in 80%  ay ka kooban tahay biyo sidaas darteedna haddii qofku uu isticmaalo cabist biyaha badan waxay taasi dhiirigelinaysa shaqada maskaxda. Waxa kale ay biyaha badani ka caawinayaan kana hortagaan xanunada masaxada ku dhaca ee  qaliinka keena. Dhakaahtiirta cilmi baadhistaan sameeyay ayaa ku taliyay in ugu yaraan maalintii la cabo laba litir oo biyo ah .

Waxa kale oo maskaxda saamayn toos ah ku leh cuntada uu qofku isticmaalo, kuwaasi oo hawlqabadka maskaxda caawinaya. Sidaas awgeed waxaad awood u leedahay doorashada cuntada saxda ee korin karta awoodda maskaxada, taasi oo si weyn u kordhisa xusuusta iyo hawlqabadka maskaxda.

Cunto dheelitiran ayaa ah ta lagula taliyo dadka, waxase jira cuntooyin si gaar ah waxtar ugu leh  shaqada maskaxada kuwaasi  oo loo yaqaano cuntada maskaxada, sida Kaluunka gaar ahaan noocyada Salmon, Saradine, Tuna, Herring, Mackerel iyo Ansjos, dhamaan Khudaarta kala duwan.

 

 

Leave a Reply