Kulan lagaga hadlayay la dagaalanka nafaqo daradda oo lagu qabtay Hargeysa

0
182

Xubinta koowaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona Kulan lagaga hadlayay la dagaalanka nafaqo daradda oo lagu qabtay Hargeysa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamad Cabdi Xergeeye, ayaa magaalada Hargeysa ka daah furay kulan looga hadlayay la’dagaalanka nafaqa daradda, kaas oo socday muddo laba cisho ah.

Waxa kulankan   iska kaashanayaan hay’adda Save The children iyo wasaaradda horumarinta  Caafimaadka Somaliland.

Kulnka ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin katirsan wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo madax ka socotay hay’adda Save The children.

Geesta kale waxa ay wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland   magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ka furtay kullan ku saabsan xakamaynta xannuunka loo yaqaan Duumada.

Isu’duwaha wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka awdal Dr. Mustafe Xuseen Aadan ayaa kullankaas si rasmi ah u furay, waxaanu sheegay in mudada uu socdo lagu darsi doono tallaabooyinka ugu haboon ee loo xakamayn karo xanuunkaas.

Waxa kullankaas ka soo qayb galay qayb-galay qaar ka mid ah masuulinta Caafimaadka ee gobolka Awdal, Hay’adda kala shaqeeya dhanka Caafimaadka iyo xubo ka socday Dawladda Hoose ee degmada Boorama.

Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka awdal Dr. Mustafe Maydhane oo kulanka hadalo ka jeediyay ayaa bulshada gobolka Awdal kula dardaarmay inay qaataan talooyin Caafimaad ee ka soo baxa wasaaradda horumarinta Caafimaadka, sidoo kalana ka taxadaraan wax kasta oo Sababi kara fiditaanka kaneecada si loo yareeyo khadarta Ka imanaysa Kaneecada.

Sidoo kale Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Togdheer ayaa magaalada Burco ka daah-furay Kulanka dardargelinta wacyigelinta Sanadlaha ah ee Xakamaynta Cudurka Duumada.

Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd sidii loo xakamayn lahaa, loogana hortagi laha Cudurka Duumada ama Kaneecad, waxaa tabobaro la siiyay qaar ka mid ah Shaqaalaha xarumaha Caafimaadka ee gobolka Togdheer, si ay uga shaqeeyaan xakamaynta iyo ka hortaga Cudurka Duumada.

Isuduwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Maxamed Cabdi Axmed (Abuwalad) ayaa shaqalaha Caafimaadka ee gobolka Togdheer kula dardaarmay inay dardar-geliyaan arrimaha la xidhiidha sida ugu haboon ee looga hortagi lahaa waxyaabaha keena xanuunka Duumada, kuwaas oo ay ka mid tahay Kaneecada oo aad u fida xilayada roobabku jiraan.

 

 

Leave a Reply