Maxaad ka Og tahay Faa’iidooyinka laga helo joogtaynta Cabitaanka Xulbada

0
625

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona faa’idooyinka caafimaad eee laga helo cabitaanka xulbada.

Xulbadu waa mid ka mid ah geed daweedyada ugu qadiimsan caalamka, waxayna ka mid tahay dawo dhaqameedyada Shiineeska iyo Hindidu ay muddo dheer isticmaali jireen.

Cilmiga casriga ah ayaa qiray in xulbadu ay tahay geed daweed waxtar badan, waxa ay xambaarsan tahay nafaqooyin muhiim ah sida macdanaha potassium, magnesium iyo phosphorous, waxaa kaloo ku badan faybar iyo barootiin.

Hadaba Qormadeenaan maanta waxaan ku soo gudbinaynaa 9 faa’ido oo laga helo cabitaanka Xulbada kuwaas oo tijaabooyin iyo cilmibaadhisyo lagu hubiyay.

Hoos u dhigista heerka Dufanka Dhiiga 

Xulbada waxa ay yareysaa dufanka dhiigga ee loo yaqaano “Kolestaroolka” iyo xaydha fadhiisata jidhka qaybihiisa kala duwan sida beerka oo iyadana loo yaqaano “Triglyceride”, waana arrin cilmibaadhis lagu arkay.

Xakamaynta heerka sonkorta dhiigga

Dadka qaba xannuunka macaanka waxaa lagula taliyaa inay cunnada ku darsadaan xulbada, sababtoo ah waxaa ku jirta maado la dhaho galactomannan taas oo yareysa in jidhku uu cunnada ka nuugo sonkorta, sidoo kale, asiidhka “amino” ee ku jira xulbada waxa uu kordhiya soo saarista insulinta.

Caafimaadka Wadnaha

Cunista xulbada oo la joogteeyo waxa ay sare u qaadaa caafimaadka Wadnaha, waxaa ku badan maadada potassium, taas oo yareysa cusbada jidhka ee sodium-ta, taas oo masuul ka ah cilladaha wadnaha.

Cunno shiidista:

Xulbada waxaa ku badan ganka, waxa ay siyaadisaa awoodda jidhka ee dheefsiga cunnada, waxayna ka hortagtaa calool istaagga, sidoo kale xulbadu waxa ay xakamaysaa dibirada iyo gaaska.

Daweynta cune xanuunka

Xulbadda samayskeeda waxaa ka mid ah maaddooyin si weyn ula dagaalama caabuqa, waxa ay si aad ah u yareysaa cune xanuunka, cabudhka iyo qandhada, waxa ay caawisaa soo saarista xabka iyo duufka taas oo fududeysa neefsashada, ku darso Xulbada maraq kulul si aad iskaga daweyso cune xanuunka iyo qandhada.

Kordhinta caanaha naaska.

Hooyooyinka ilmaha naaska siisa ama jaqsiisa, nuujisa, waxa ay dhakhaatirtu kula dardaarmaan in ay xulbada ku darsadaan cunnooyinkooda maalinlaha ah, maadaama ay xulbada ku jirto maadada “diosgenin” taas oo kordhisa soo saarista caanaha naaska.

Yareynta xanuunka caadada.

Xulbadu waxay u roontahay dumarka ku xannuunsada caadada, Maadooyinka “potassium” iyo “magnesium” ee ka buuxa xulbada waxa ay yareeyaan luga xanuunka xilliga caadada.

Ka hortagga Kansarka Malawadka.

Xulbadu waxaa ku badan faybar si fudud u milma, waxa ay jidhka ka nadiifisaa sunta waxayna la dagaallantaa kansarka ku dhaca malawadka oo aad dunida ugu soo badanaya.

Caafimaadka timaha.

Xulbadu waxa ay xoojisaa jirida timaha, waxay ka hortagtaa timo daadashada waxayna caawisaa koritaankooda.

Leave a Reply