Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo soo Bandhigay Gefka uu Qarannimada ka galay Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif

0
256

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne Ku xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed, in uu ku kacay fal ka dhan ah jiritaanka Somaliland kadib markii uu taageeray go’aamadii garaadada ku sugan magaalada Laascaanood ee ka soo horjeeda qaranimada Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay Warbaahinta. Waxaanu ku sharraxay waxqabadka Xukuumadda Somaliland ka fulisay gobolka Sool, gaar ahaan horumarinta adeegyada Bulshada.

“Waxaan aaminsan nahay in Cabdirisaaq Khaliif uu ka tallaabay xadkii Somaliland, eedayntu waxay taagan tahay in aan isku toosino ama isku dhaliilno xayndaabkeenna dhexdiisa loogu doortay in uu guddoomiyihii Golaha Wakiillada noqdo,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu tilmaamay in Guddoomiye Khaliif uu taageeray guddida 33-ka ah, isla markaana uu is dhinac dhigay calanka buluuga ah ee Soomaaliya.

Md. Cabdiraxmaan Saylici wuxuu xusay in loo baahnaa inuu Guddoomiye Cabdirisaaq wax saxo hase ahaatee aanay ahayn inuu raaco ciddii khaldanayd.

Madaxweyne kuxigeenku wuxuu xusay in Guddoomiyaha Wakiilladu uu eedo culus oo aan run ahayn ka sheegay Ciidamada Somaliland, waxaanu yidhi “Waxa uu sameeyay hadallo aan run ahayn oo uu yidhi ciidanka Somaliland rag bay guryo kala baxeen, iyo dad ayay baabuur kala hadheen oo ay laayeen, waxaan leeyahay waa eedayn looga fadhiyo caddaynteeda. Ciidanka Somaliland-na dhaqankaas ma laha waa ciidan anshax leh weligood hal kiis oo dhibaatayn shacab ah lagama soo sheegin.”

Md. Cabdiraxmaan Saylici wuxuu hoosta ka xariiqay in xildhibaanada Golaha Wakiillada ay u taalo waxa ay ka yeelayaan Guddoomiyahooda ka baxay xayn-daabkii sharciyeed ee JSL.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in lagu soo duulay Dimuqraadiyadda iyo Dawladnimada Somaliland wuxuuna yidhi”Nabadgelyadii iyo dimuqraadiyaddii Somaliland ayaa lagu soo duulay, mana aha markii u horreysay dhawr jeer oo hore ayaa la soo weeraray Somaliland markii la arkay inay tallaabo hore u qaaday.”

 

 

 

Leave a Reply