Dawladda Imaaraadka Carabta oo Markab Gargaar Cunto soo Gaadhsiiyey Somaliland

0
148

Berbera (Dawan)- Dalka Imaaraadka Carabta ayaa Markab sida gargaar baniโ€™aadminimo soo gaadhsiiyey Somaliland, oo loogu tallogalay dadka abaarahu saameeyeen ee gobolada dalka.

Gargaarka cunto oo ka koobnayd 188 Ton ee Dowladda Imaaraatka Carabtu ku wareejisay Somaliland Markab gargaar bani’aadanimo ayaa looguna talo galay ku dhawaad 5,000 oo qoys, kuwaas oo ah dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Hayโ€™adda Sheikh Khalifa Bin Zayed Al-Nahyan oo gargaarka ku deeqday ayaa Safirka Imaaraatka Caraba u fadhiya Somaliland Ambassador Abdallah Al-Naqbi ku wareejiyey Gudoomiyaha Hayโ€™adda U-diyaargarowga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka Qaranka (NADFOR) Faysal Cali Sheekh.

Leave a Reply