Xikmadda Maanta!

0
383
  • Ha sheegin wax kasta oo aad taqaan, laakiin waa inaad taqaan wax kasta oo aad sheegayso.
  • Ha qaadan go’aamo degdeg ah, laakiin in badan ka fikir oo talooyin qaado.
  • Ha werwerin laakiin in badan hubso tallaabada aad qaadays, oo mustaqbalka ah.
  • Sabir iyo dulqaadku waxay leeyihiin saameyn la taaban karo xataa ka hor inta aan dhibaatada iyo caqabaduhu baab’in.
  • Noloshu waa salaan, ma kori kartid haddii gacnataadu jeebadda kuugu jirto
  • Wakhtiga adag kaga gudub sabir iyo dulqaad.
  • Weligaa ha qaadan go’aan marka aad werwersan tahay, sug , sabir . way ku dhaafi duufaanku
  • Shaqooyinka waaweyni xoog laguma qabto laakiin waa aqoon, adkaysi iyo sabir.

Sabirku waa dhaqan wanaagsan, waxa uu ku baraa dulqaadka. Waana cashar adag

Leave a Reply