Beentu Yaanay Ku Niyad Jabin!

0
126

Jean Lacoste wuxu u dhashay dalkaย  Faransiiska, waxaana uu ahaa xidigihii caanka ku noqday kubbada Teniska intii u dhaxaysay 1920-1930. Wakhtigii uu bilaabayย  Teniska wuxu ahaa nin khashiin ah oo marka kasta saaxiibadii ku qosli jireen waxayna u bixiyeen Yaxaas iyagoo in badan kula taliyay inuu iska dhaafo.

Dacaayadda saaxiibadii iyo xataa naanaysta Yaxaaska oo ay ula jeedeen in la moodo Yaxaas marka uu ciyaarayo, kuma niyad jebin waxaana uu ku dadaalay inuu noqdo xidig caan ah.ย  Lecoste wuxu noqday ciyaartowga dunida ugu wanaagsan teniska labadii sano ee isku xigayย  ee 1926 iyo 1927.

Sanadkii 1932 ayuu ka fadhiistay ciyaaraha isla wakhtigaasi ayuu furayย  dhaqaalihii uu ka helay shirkad ka ganacsata Dharka ciyaaraha, waxaana uu calaamadda ganacsigiisa ka dhigay Yaxaaskii lagu caayi jiray.ย ย ย  Saaxiibadii dacayaadayn jirayย  ayuu shirkadiisa 70% shaqaaleย  u noqday.ย  Weliga haku niyad jebin kelmadaha kaaga imanaya saaxiibada wakhtiga aad hayso wadada guusha. Jean Lacoste wuxu dhintay bishii June 12, sanadkii 1992 isagoo hantiile ah.

 

 

Leave a Reply