Wasaaradda Maalgashiga oo Qabatay Kulanka Wadatashiga qabyo-qoraalka Xeerka Warshadaha

0
246

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga & Warshadaha ayaa soo qabanqaabisay kulan lagaga wada tashanayey qabyo-qoraalka Xeerka Warshadaha dalka.

Kulankan oo shalay ka qabsoomay Baraar Hotel Hargeysa, kana soo qeybgaleen daneeyeyaasha hay’adaha kala duwan ee dalka, ayaa ujeedadiisu ahayd Wadatashiga qabyo-qoraalka Xeerka Warshadaha kasoo lagu gorfaynayo sidii uu u nooqon lahaa Xeerka midha-dhala oo dalka iyo dadkaba anfacaya.

Dhamaan madaxdii kulanka ka hadashay ayaa ka waramay faa’iidada uu xeerkani u leeyahay horumarinta Warshadaha dalka, isla markaana baahi weyn loo qabo abuuritaankiisa.

Maayirka Caasimada Cabdikariim Axmed Mooge oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo, isla markaana ku baaqayo in la badiyo tashiyadiisa,

“Annigoo ku hadlaya afka maayirada dalka waan soo dhoweynayaa xeerka, waana in lala akhriyo kuwa caalamka.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha oo hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in xeerkani ka qeybqaadan doono kaabayaasha dhaqaale kobcintooda, waxaanay tidhi,

“Xeerkani waxuu ka qeybqaadan doonaa kaabayaasha dhaqaale kobcintooda si ay Somaliland u gaadho horumar.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Maxamed Cismaan Siciid oo kulanka soo xidhay ayaa sheegay in Wasaaradu muddo badan ka shaqaynaysay hirgelinta xeerka hormarinta warshadaha, waxaanu u mahadceliyey dhamaan daneeyayaashii iyo martisharaftii ka soo qeybgashay.

“Abuurida fursado Ganacsi iyo kuwo shaqo abuur, si kor loogu qaado koboca dhaqaale iyo wax soo saarka gudaha ee dalka”

Xeerka Horumarinta Warshadaha oo muhiimad weyn u leh abuuritaanka warshado kala duwan ee dalka iyo koboca dhaqaalaha ayaa la saadaalinaya inuu mustaqbalka dhow noqdo mid ka hirgala Somaliland.

 

 

Leave a Reply