WEEDHA WARGEYSKA: Raxmada Roobka aynu ka Faa’iidaysanno…

0
213

 

Ramadaan Karriim dhamaan umadda Islaamka, gaar ahaan bulshada Somaliland.

Mahad oo dhan alle ayey u sugnaatay innagu simay billashada bisha Barakaysan ee Ramadaan intii haddu aanay soo gaadhsiinna raxmad ayeynu u waydiinaynaa Eebbaha innagu galladay nimcooyinkiisa kala duwan ee ay raxmada Roobka, nabad-gelyada iyo caafimaadku kamid yihiin, sidoo kalena innagu arsaaqay dheef iyo dhaqaale qof walba hayntiisa iyo helidiisa, waxaana dhamaanteen innagu waajib ah in aan u xamdi naqno mar kasta, marxalad kasta iyo meerto kasta oo aynu ku jirno xataa markay murug iyo cabsi innala soo deristo.

Waxa kale oo aan alle ka baryeynaa inuu innaga kor-qaado xiisada collaadeed ka taagan magaalada Laascaanood, umadda ay saamaysayna faraj khayr qaba u fidiyo, isla markaana isfaham iyo heshiis nabaddeed innoogu bedello khilaafka dhibaatadaas huriyey.

Mar labaadka, waxa bulsho ahaan innala gudboon in aynu fikir iyo fahmo ka yeelano maareynta geedi-socodka nololsha iyo la-tacaamulka maalmaha is-daba joogaa cimillooyinkooda, isla markaana aynu noqono umad kal iyo laab furan oo ka faa’idaysta deeqaha illaahay SWT uu bixiyo ee aanu kasab iyo ku mano-sheegasho u siinin khalqiga uu adduunka ku uumay.

Nimcooyinka alle ina siiyey, waxa kamida raxmada roobka oo udub-dhexaad u ah jiritaanka adduunyada, nolol ahaan, caafimaad ahaan, dhaqaale ahaan iyo dhan kasta oo laga joogsado micnaha nololsha iyo horumarka caalamka ka socda, iyadoo aynu maanka ku hayno in aanay nololshu jirayn biyo la’aantood, biyuhuna ay yihiin kuwa uu rabi roobka inoogu shubay, kuwa dhulka laga soo saaro ha noqdeen amma kuwa Xareeda ah ee goor kasta oo uu Roob da’o daadka inagu dhaafa ha noqdeene.

Sidaasi darteed, todobaadkan waxa deegaamo badan oo kamida Somaliland ka curtay Roobka guga si’ aan kala go’ lahayn uga da’yey gobolada Dalka iyo qaybo kamida wadamada Geeska Afrika, iyadoo uu magaalada Hargeysa-na Mayey iyo mirba ku maasheeyey dharaarihii u dambeeyey.

Haddaba Roobka curtay maxaynu u diyaarsanay ka faa’idaysiga Roobkan? sidaynuse uga faa’idaysanaa” diyaarse ma u nahay dawlad iyo shacab-ba?, mase leenahay turuq iyo taggoog aynu ku meelaayno nimcadan uu alle innoo shubay?, maadaama aynu nahay umad boqolkiiba todobaadkan ama in ka badan wax soo saarkooda dhanka cuntadu ku tiirsanyahay Biyaha Roobka.

Dhamaan Su’aallahan jawaabtooda, waxa hortaalla calaamado dhowr ah oo ka soo noqonaya muuqaal-araggeena guud, hab-maamulkeena iyo habacsanaanteena dadnimo, wallow aan la xaqiri karin in ay qaar badan oo inaga mid ahi leeyihiin xadaarad ay ficil u bedeleen oo falcelin u ah waydiimahan.

Hase yeeshee, waxa hubaal ah in sanad walba Biyaha Roobka xaddiga ugu badani iyagoo qulqulaya ay si howl yar inoo dhaafaan oo aynu ka baahanahay gu’ iyo jiillaal, sababtoo ah weel iyo wado aynu ku meelayno umaynu samaysan, waxaana taasi markhaati u ah muuqaalka magaalada ee marku roobku da’o illiiladaha yar yar ee mowjadaha daadku goostaan, dhismeyaasha dhaadheer ee baliyadu hoostooda ka qodmay xareedu wadhan tahay iyo dooxyada ka dilaaca daaradaha guryaha.

Waxaan si joogto ah u arragnaa meelaha dhirta lagu beero ee xafiisyada dawladda iyo guryaha waaweyn ee shicibku leeyihiin iyadoo biyaha qasabada dhirta lagu waraabiyo marxalad lagu jiro xilli Roobaad, halkii ay ahayd marka tusku hoorro in loo diyaariyo weelkii loogu kaydin lahaa Xarreeda.

Dhamaan qodobadan waa ceebo iyo caqabado ka jira Magaallooyinka waaweyn badankooda, haba ugu darnaato caasimada hargeysa oo marka uu roobku helo noqota hoyga bilic-xumada iyo saxa xumada.

Marka ay sidaa yihiin magaalooyinkii ay ku noolayd bulshada loo tuhmayo aqoonta, cilmiga iyo ilbaxnimadu, waxa maskaxda ku soo dhacaya in ay magaalooyinka yar yar iyo miyiguna ka sii liitaan, inkasta oo loo tirin karo dad wax ka bartay waayaha ku geddaaman iyo wakhtiyada roob-waagga.

Dhanka kale, iyada oo aanay ujeedadu ahayn in la daboollo amma la dafiro horumar kasta oo laga sameeyey ka faa’idaysiga Biyaha roobka oo ay dawladdu fulisay amma shacabku keli iyo iskaashiba ku fushadeen, dhaliilsha aan sheegnayna tahay xaqiiqo u jirta sida loo badan yahay, waxa ina soo maray sanado aynu silic iyo soomal-haad ka mudanay abaaro iyo xilliyo aynu roobbab mahiigaan ah daaddad ka dashay dad iyo duunyo ku waynay, alle kuwa iminka da’aya nusqaantooda ha inaga hayee.

Sidaasi, awgeed innaga oo ka jawaabayna goldaloolooyinka aynu kor ku xusnay, waxa lagama maarmaan ah inaynu u istaagno sidii aynu ugu weel samaysan lahayn biyaha miisaanka leh ee Roobka, loona dardar gelin lahaa siyaasaddaha dawladda ee ku taxaluqa, si uu deegaanku u helo biyo ku filan,loona joojiyo carro-guurka dhulka iyo waxyeellooyinka kale ee ay biyaha soconayaa u geystaan.

Ugu dambeyn, waajibka nololshu wuxuu inna farayaa inaynnu noqono umad tacabkeeda iyo taladdeedu ku salaysan yihiin cimillada deegaankeena, isla markaana billaha raxmaddu da’ayso ka tabaabushaysta tabaalaha Jiilaalka, waxaanay weedheennu ku talinaysaa dhulka Midho ku beerra, Seerayaasha Daaqa biyaha hallagu joojiyo oo waa in Dooxyada daadka qulqulaya tacab lagu xidhaa.

 

Leave a Reply