Xukuumadda JSL oo Deeq Raashin ah Gaadhsiisay Kun Qoys oo ku Dhaqan Deegaamo ka Tirsan Gobolka Sool

0
362

Guumays (Dawan)- Xukuumada Somaliland ayaa gaadhsiisay deeq raashin ah oo isugu jira raashinka noocyadiisa kala duwan, kun qoys oo ku kala nool afar deegaan oo hoos yimaada Gobolak Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Masuul u hadlay Hay’adda U-diyaar-garowga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka Qaranka ayaa gaadhsiisay deegaanka Guumays taakulayn kala duwan. Deeq loogu talogalay saddex boqol oo qoys kana kooban Bariis, Sonkor, Daqiiq, Saliid, Baasto iyo timir, deeqdaasi oo lagu wareejiyey odeyaasha guddiga deegaanka Guumays.

Hay’adda U-diyaar-garowga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka Qaranka ayaa la sheegay inay deegaanada hoos yimaada gobolka Sool soo gaadhsiisay raashin Kun qoys oo ku kala nool. Sadeex Boqol oo Guumays ah, Yagoori Saddex boqol qoys, Samakaab Saddex Boqol Qoys iyo Cadday-buur oo boqol qoys ah.

Deegaamada taakulaynta raashinka la gaadhsiiyey oo la sheegay in dad faro badan ku soo baro-kaceen ayaa odeyaasha deegaanka oo ka hadlay mucaawinada la soo gaadhsiiyey waxay sheegeen inay ka mahadcelinayaan deeqda xukuumadu soo gaadhsiisay.

Hooyo ka mid ah dadka deegaanka guumays oo ka hadashay ayaa sheegtay inay inay gudoomeen raashinka loo keenay ee lixda nooc ka kooban. Xilli adag ayaa lagu jiraa bulsho walba xukuumadeedu iyada la dabaalata oo taageerta.

Raashinka waanu gudoomnay dadkii sidayna iyo hay’adda soo dhiibtay waanu uuga mahadcelinaynaa, ayuu sheegay nin kale oo dadkii raashinka loo qeybiyey ka mid ah.

Annagoo ah odeyaasha Deegaanka Samakaab waxa nasoo gaadhay raashin ay soo dhiibtay xukuumada Somaliland, gaar ahaan Hay’adda U-diyaargarowga Aafooyinka, kana kooban lix nooc oo dhamaystiran. Sidii loogu talogalay ayaan dadkii uugu qeybinaynaa.

 

 

Leave a Reply