“Dadkeenu Waxaanay Fahmin Qiimaha iyo Faa’iidada Biyaha la Kaydsado” Madaxweyne ku Xigeenka JSL

0
248

“Waa masuuliyad wadareed ina wada saaran in biyaha nadaafadooda aan ilaalino”

 

 

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabduraxmaan Cabduklaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in siyaasadda xukuumadu tahay in bulshadu ay dhamaantood wada helaan biyo nadiif ah 80% si loo hello bulsho caafimaad qabta.

Waxaanu tilmaamay Saylici, in ay masuuliyad wadarreed tahay in bulshadeenu ka wada qayb qaadato sidii biyaha la cabayo loo kaydsan lahaa nadaafadoodada na loo wada ilaalin lahaa, isla markaana bulshadda reer Somaliland looga baahan yahay in qof waliba uu qayb ka noqdo in la hello isbedel dhab ah oo ku yimaadda dhinaca biyaha.

Isagoona xusay in la gaadho Yoolkaasi aynu u socono sidii loo heli lahaa ay tahay siyaasadda xukuumadda Somaliland ee dhinaca biyaha, taasoo keenayso in dadkeenu ay helaan nolol wanaagsan iyo biyo nadiif ah.

Sidaas darteed na ay mustaqbalka noqonayso in la gaadho oo ay bulshadeenu noqonayso bulsho wada caafimaad qabta marka ay wada helaan biyo nadiif ah oo caafimaad qaba. Waxaanu sheegay in biyuhu ay yihiin nimcooyinka uu ALLE SWT ku amanaystay addoomihiisa, isla markaana ay biyuhu qiimo weyn u leeyihiin jiritaanka nolosha noolaha oo dhan oo ay mar kasta u baahan yihiin dad iyo duunya ba.

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu sidan ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay munaasibad lagu xusayay maalinta Biyaha Adduunka oo sanad walba 22-ka bisha March laga xuso wadamo badan oo caalamka ah, taasoo ay soo qaban qaabisay wasaaradda biyaha Somaliland.

Wuxuu tilmaamay Saylici, in aanay nolosheene biyaha ka maar-maynin, sidaas darteedna ay adduunyadu u samaysay xuska maalinta biyaha adduunka in ay isku xasuusiso qiimaha ay biyuhu leeyihiin. Iyadoona loo asteeyay xuska maalinta biyaha adduunka 22-ka bishan March, oo sanad kasta wadamo badan oo caalamka ah laga xuso.

Waxaana xuskaasi u jeedadiisu tahay in la isku xasuusiyo sida biyaha loo tashiilanayo, iyo sida loo kaydsanayo, iyo sida nadaafadoodda loo ilaalinayo. Waxaanu yidhi “Intii aan ka soo qayb gelayay xuska maalinta biyaha adduunka, maalin uu roobkii da’ayo, maanta ayaa koow ah, ayaan filayaa. Isbedelka cimiladda adduunku wax badan ayuu khal-khaliyay, waxaanay ahaan jirtay sidii hore, kala guurka Gu-ga iyo Jiilaalku, waa 24-ka ilaa 25-ka, bisha March, oo saan-danbe ku beegan. Markaa sida caadiga ah wuxuu roobku di’I jiray marka laga bilaabo 26-ka bisha March, wixii ka danbeeya, ilaa bisha afraad.

U jeedadaydu waxay tahay roobkii qiimahaa lahaa ee wakhtigaa bilaabmi jiray, sanadkan wuu inoo soo qadimay”.

“Biyuhu kol na waa nolol, mar na waxay noqonayaan in ay noloshaadda khatar ku yihiin. Haddii aan biyaha caafimaadkoodda la ilaalin, weelka lagu kaydinayo aan caafimaadkiisa la ilaalin, khatar bay ku tahay nolosha. In aad ka mid noqoto isbedelka adduunyadda, dad nolol wanaagsan ku wada nool, biyo nadiif ah wada helay, bulsho wada caafimaad qabta. Bulsho caafimaad qabta waay noqonaysaa markay biyo caafimaad qaba hesho.

Ka mid noqo in aad aragto, kuwa helay in isbedel dhab ahi yimid, oo dadkii, iyo dalkiiba, ka hir-galay in biyo nadiif ah 80% ay dadku helaan, in aynu gaadho, oo ah yoolkeenna aynu u socono, ee siyaasadda ah xukuumadda JSL.

Waa masuuliyad wadarreed oo ina wada saaran, in aan biyaha sidaan u Kaydsan lahayn, sidii aan u qabsan lahayn, sidii aan nadaafadoodda u ilaalin lahayn, arrin xukuumadda, iyo wasaaradda biyaha, iyo cid gaarra saaran maaha, waa masuuliyad ina wada saarran” ayuu yidhi Saylici.

Geesta kale madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in weli aanay bulshadeenu fahmin qiimaha ay leedahay in biyuhu la kaydsado, isla markaana marka uu roobku da’ayo in roobka guryaha biyaha ka yimaadaa ay khasaare u gaystaan waddooyinka.

“Weli waxaanay dadkeenu fahmin qiimaha biyaha aad kaydanaysaa inta jeer ee ay faa’iido keenayaan. Magaalooyinku marka ay dhismaan 70% biyaheedu banaanka ayay u soo baxayaan. Haddii aan la kaydin, oo qof waliba aanu Berkad samaysan, oo biyaha aynaan kaydsan, khasaaraha koowaad ee ay samaynayaan waxa weeyaan, biyihii oo ururay waa kuwa inaga bur-buriya Waddooyinka.

Markaa haddii aad ka qayb noqoto, oo qof waliba uu Berkhad samaysto, intii ku dhacaysa gurigiisa, oo uu kaydsado, marka koowaad wuxuu khasaarihii ka ilaaliyay biyihii is-biirsanayay, ee banaanka u soo baxayay ee Waddooyinka inaga baabiinayay. Ta labaad, wuxuu faa’iidayaa in biyihii uu qabsaday biyo kale oo ay lacagi kaga bixi lahayd inuu kaga maarmo, oo biyihii uu qabsaday beerta ku waraabsado, ama si kaleba u isticmaalo, oo halkaa dhaqaale ugu hadho.

Magaallo waliba waxay leedahay meel ay biyuhu uga yimaadaan. Hargaysa xarunteedda biyo-soo-saarku waa Geed-deeble, markaa haddii biyuhuu iska soconayay aad qabatay, waxaad bad-baadisay biyihii qaaliga ahaa ee ay magaaladu ka cabaysay”ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

 

 

 

Leave a Reply