Dawladda Hoose ee Degmada Gabiley oo Goobo Caafimaad oo muhiim ah ka Hirgalisay Degaano Hoos yimaad

0
248

Gabilay (Dawan) Dawladda hoose ee Degmada Gabilay ayaa sadex goobo caafimaad ah ka hirgalisay deegaano ka mid ah deegaanada hoos yimaada, kuwaasi oo kala ah Deegaanka Godka Carada, Gorayga iyo Galloolay halka xannanada afraad uu hirgaliyay ganacsade Jaamac Oomaar oo ka hirgaliyay deegaanka Gees Dheere ee Waqooyiga Gobolka Gabiley.

 

Haddaba Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeya ayaa isagu xadhiga ka jaray xarumahan caafimaad e Dawaladda Hoose ee Gabiley ka dhistay deegaanadaasi, waxaana Agaasimaha ku wahelinayay munaasibada xadhig ka jarka Maayirka Degmada Gabiley iyo xubno ka mid ah golaha deegaanka Degamada iyo sidoo kale Xildhibaan Yaxye Cabdilaahi Amiin Araarse oo ka mid ah  xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland.

 

Munaasibad kooban oo loo qabtay xadhig ka jarka goobahan caafimaad ugu horeyn waxa halkaasi ka Hadley Maayirka Degmada Gabiley oo ka warbixiyay goobahan caafimaad iyo faa,iidadda ay u leeyihiin dadka deegaanka iyo Gobolkaba waxaanu yidhi

 

‘’Runtii Sharaf bay inoo tahay inaynu maanta halkan kusoo gebogabayno xaruntii afraad ee aynu maanta xadhiga ka soo jarno ee caafimaad, oo sadex ka mid ahi ay ahaayeen rugo caafimaad oo aynu ka hirgalinay degaanada kala duwan ee Godka Carada, Goray iyo Galloolay oo ku noqonay 22 rugaha caafimaad ee guud ahaan Gobolka ka jira ee ay dawaladda hoose ee Gabiley gacanta ku hayso, hadday tahay dawadooda iyo hadday tahay gunada shaqaalahaba.

 

Sidoo kale halkan waxaynu u joognaa in aynu xadhiga ka jarno oo aynu soo gebogabayno xarunta Hooyadda iyo dhalaanka oo iyaduna noqonaysa xaruntii sided iyo tobnaad ee gobolkeenu yeedho ILLAAHAY baynu ugu mahad naqaynaa.

 

Sidoo kale waxaa iyaguna dhankooda ka Hadley xildhibaan Yaxye Araarse oo ka mid ah golaha wakiilllada Somaliland iyo Mudanayaal ka tirsan golaha deegaanka Degmada Gabiley oo soo dhaweeyay xarumahan caafimaad, bulshada ku nool deegaanada laga hirgaliyayna ku booriyay inay ka faa,iidaystaan oo ay ilaashadaan goobahan muhiimka ah’’.

 

Dhanka kale waxa iyaguna halkaasi ka Hadley qaar ka mid ah bulshada ku nool deegaanada laga fuliyay goobahan caafimaad oo soo dhaweeyay wax qabadka Dawladda Hoose iyo xukuumaddaba, waxaanay sheegeen in baahi wayn ay u qabeen goobahan caafimaad.

 

Gebogabdii hadal jeedinta munaasibadawaxa soo af-meeray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye waxaanu yidhi

 

‘’waxaanu soo marnay degaan balaadhan runtii, deegaankaasi balaadhan ee aanu soo marnay waxaanu xadhiga ka soo jarnay sadex rug caafimaad oo sadex deegaan oo kala duwan laga hirgaliyay, sida Godka Carada, Goray iyo Galloolay oo aanu xadhiga ka soo jarnay mid walba Rug caafimaad.

 

Sadexada Rugood oo ahaa rugo waawayn oo si fiican loo dhasay, loona dhamaystiray agabka farmasiiga iyo sidoo kale shaqaalihii ka shaqaynayay ay joogeen oo isla maantaba ay shaqaynayeen, waxa dhisay oo dhisideed iyo shaqaaleheedaba qaatay golaha deegaanka Degmada Gabiley oo uu hormuud u yahay gudoomiyaha golaha deegaanka, isagana waxaanu leenahay runtii adiga iyo golahaaguba si wadajir ahwax wayn baad uga qabateen ama aad ugu dedaashaan caafimaadkee indikana ILLAAHAY ha idinka abaal mariyo, miisaanka xasanaadkana ha idiinku daro.

 

Waxay keenaysaa in ay masuuliyadda balaadhan ka dulqaadaan wasaaradda Caafimadaaka, markaa iayagana waynu ugu ducaynaynaa, waxa kale oo ay tilmaamaysaa waxa wada lahaanshaha iyo maamul daadajinta iyo masuuliyadda inaynu wada leenahay marka ay noqoto baahiyaha aasaasiga ah’’

 

Dawladda Hoose ee Gabiley ayaa inta badan ku hawlan sidii goobo Caafimaad oo haqabtira baahid caafimaad looga hirgalin lahaa deeganada Gobolka iyo sidii loo gaadhsiin lahaa bulshada adeeg caafimaad oo bilaash ah goob kasta iyo geed kasta oo ay ku sugan yihiin.

 

 

 

 

 

Leave a Reply