Ganacsatada Dalka oo Loogu Baaqay in ay Dalka Wershado Waxsoosaar ka Hirgeliyaan

0
316

Hargaysa(Dawan) Wasaaradda Hawlaha Guud dhulka iyo Guriyaynta Somaliland,ayaa Ganacsatada dalka ugu baaqday isla markaana u soo jeediysay in ay dalka wershado waxsoosaar ka hir geliyaan oo ay dalka khayraadkiisa dihin ee kala duwan ay maalgashadaan si loo helo shaqo abuur iyo isku filnaansho.

Dhinaca kale wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Somaliland ayaa  ballan qaadday diyaarinta dhulkii ay degi lahaayeen wershadaha dalku.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyaynta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka go,an tahay inay diyaariyaan dhulkii ay degi lahaayeen warshadlayda dalku, waxa kale oo uu intaa raaciyay inay ka qayb qaadanayaan sidii loo heli lahaa xeerka wershadaha dalka oo ay gacanta ku hayso wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Somaliland oo uu wasiirku sheegay inay ku darayaan wixii talo iyo tulsaale looga baahdo.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guryaynta ayaa sidan ka sheegay madal lagu gorfaynayay qabyo qoraalka xeerka warshadaha dalka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Maalgashiga Somaliland, taasi oo lagaga arrinsanayay sidii loo heli lahaa xeerkii warshadaha dalka.

 

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud ayaa ganacsatada dalka ugu baaqay inay dalka ka hirgaliyaan warshado wax-soo-saar si loo helo shaqo abuur waxaani yidhi

 

‘’Markasta oo aynu wershado helno isku filanaansho ayaynu helaynaa, wada tashi baynu helaynaa, wax-soo-saarka iyo kheyraadka dihin ee dalkeena inaynu ka faa,iidaysano oo dunida tusno baynu helaynaa, ka wasaarad Hawlaha Guud Dhulka iyo Guryaynta ahaan annaga oo fulinayna siyaasadda Madaxwaynaha ee Horumarinta Wershadaha waxa naga go,an in aanu diyaarino dhulkii ay wershaduhu degi lahaayeen, iyada oo magaalooyinka waawayn ee Soamliland qaarkood laga bilaabay oo la asteeyay halkii loogu talogalay, magaalooyinka kale ee waawayn ee dalkana waanu ku hawlan nahay oo way qorshaysan yihiin,annaga oo ka duulayna warshaduhu xagay degi karaan xagay ku habboon yihiin, xagee baan u habboonayn daaqa iyo deegaanka iyo beeraha intee loo jirsiinayaa, magaalooyinkee munaasib ku ah oo biyo ku filan leh ama koronto ku filan leh oo wershaduhu ka abuurmi karaan, sidaasi awgeed wasaaraddayadu diyaar bay u tahay inay qayb libaax leh ka qaadato mashruuca hirgalinta warshadaha, waxa kale oo aanu diyaar u nahay wixii aanu talo iyo tusaale hayo xeerkan aanu ku kordhino.

 

Waxa aan ganacsatada Somaliland ku boorinayaa oo aan ku dardaarayaa, oo aan u soo jeedinayaa in ay dalkooda isku dayaan inay warshado ka sameeyaan, si shaqo abuur loo helo khayraadka dalka ku jirana loo soo saaro, si ay umado kale oo amaalgashadayaal iyo dalxiisayaal ahina inoogu yimadaan oo daaraha dhaadheer ee hadhaw aan korontada iyo shaqalaha ka shaqaynay lacagtooda la iska bixin karayn lagu badelo hirgalinta warshadaha dalka ayaan u soo jeedinayaa ganacsatada dalka’’.

 

 

 

 

Leave a Reply