Xuska Maalinta Qaaxadda Adduunka Hargeysa lagu qabtay

0
287

Qormadeena todobaadkan waxaan kusoo qaadanaynaa xuska maalinta caalamiga ah ee Qaaxada adduunka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Xuska maalintan  lagu xusayay Hargaysa waxa ka qayb galay wasirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi).

Munaasinada lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Qaaxadda aduunka ayaa waxaa kasoo qayb-gelay Isuduwaha Caafimaadka ee gobolka Maroodijeex, agaasimaha xafiiska xakamaynta xanuunka Qaaxada,  masuuliyiin ka socotay hay’addaha,  Caalamiga ah ee ay wasaaradda wada shaqaynta leeyihiin, qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda  Caafimaadka.

Halku-dhiga Sannadkan oo ahaa ee Qaaxadda aduunka ayaa ahaa   ‘’Haa waan dabargoyn karnaa’’

Masuliyiintii ka soo qayb galay xuska maalintan ayaa si isku mida ugawada hadlay dhibaatada xannuunka qaaxada iyo sida looga gaashaaman karo.

Sidoo kale waxa ay bulshadana la wadaageen sida ugu habboon ee looga hortagi karo xannuunkan oo ka mid ah xannuunada ugu badan ee aadka ugu faafa dunida aynu maanta ku nool nahay.

 

Titadda Boqolayda ee Dadka uu soo rito Xannuunka Qaaxaddu

Madaxa xafiiska xakamaynta xanuunka Qaaxada Dr. Bashiir Cabdi Saleebaan, ayaa sidoo kale ka Waramay Qorshaha u dagsan ka xafiis ahaan ayaa sheegay in dadka maanta usoo dhacay Xanuunka Qaaxadda oo ah 100 kun ee qofba in 256 inay soo dhacaan, ay ku Rajo-weynyihiin inay saddex Sano kadib inay gaadho 10 0kun ee qofba 115 qof.

Masuulin ka Socda Haayaddaha Caalamiga ah ee ay Wada Shaqaynta dhaw leeyihiin Wasaaradda ayaa Sidoo kale dhankooda, hoosta ka xariiqay in ay Mar walba diyaar u yihiin inay Wasaaradda kala shaqeeyaan sidii loo dababar goyn lahaa  Xanuunka Qaaxadda.

Wasirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa ku baaqay in guud ahaan reer Somaliland, Shacab iyo Xukuumadba layska kaashado oo loo Midoobo sidii loo dabar-goyn lahaa Xanuunka Qaaxadda oo ka mid ah xanuunada sida aadka ah u faafa ee ka jira Dunidda.

 

 

 

Leave a Reply