Dhakhaatiir ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland ayaa maanta ka Qalinjabiyay Jaamacadda difaaca ee dalka Itoobiya

0
290

Hargeysa(Dawan):- dhakhaatiir ka tisran ciidanka qaranka Somaliland ayaa shalay ka qalin jebiyay Jaamacadda difaaca dalka Itoobiya,sida lagu caddeeyay war saxaafaeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland shalay.

Waxa Maanta(shalay) Jaamacadda Difaaca ee dalka Itoobiya ka soo baxay, kana qalinjebiyey dhakhaatiir ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhmmeystay shahaadada koowaad iyo labaad, sidoo kale waxa maanta(shalay) isla jaamacadaasi ka qalinjebiyey Saraakiil bartay Injineernimada.

 

Munaasabada loo qaybtay ardayda ka qalinjabinaysay  waxaa ka soo qayb galay    taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Itoobiya Marshal Birhanu Jula, saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Itoobiya, saraakiil ka socda Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu hoggaaminaya Gashaanle sare Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug, oo ah ku xigeenka hoggaanka xidhiidhka dibedda ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo  sarakiil kale oo katirsan ciidanka Qaranka.

 

Sidoo kale waxa munaasibada qalinjabinta ardaydaasi ka qayb galay  marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasibada qalinjebinta oo isugu jira qoysaskii ay ka soo jeedeen ardayda qalinjabisay iyo masuuliyiin kale oo ka socday dalalka la jaarka ah Ethiopia ee ay ciidamadoodu

 

 

 

 

Leave a Reply