“Ciidanka Qaranku Dib u Sugi Maayaan Weerar Lagu Soo qaado’Al-Shabaab na waan ka saaraynaa Laascaanood.”Afhayeenka Ciidanka Qaranka

0
212

Laascaanood(Dawan):-Hoggaanka Hwl gelinta ciidanka qaranka Somaliland ahna afhayeenka ciidanka qaranka Sarreeye Guuto Cabdi Cabdilaahi Xasan(Candi Dheere),ayaa ka hadlay weerar gardarro ah oo ooxaha huwanta ah ee dalka kusoo duulay ay ku soo qaadeen shalay ciidanka qaranka Somaliand  oo ciidanka qaranku dhirbaaxo kulul u gaysteen.

Waxaanu Afhayeenku iftiimiyay kooxaha Puntand iyo argagaixisada ah ee kusoo duulay Somaliland siday iskaga difaaceen iyo jabka ay gaadhsiiyeen.

 

Hoggaanka hawl gelinta ciidanka qaranku waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ciidanka qaranku ku sugnaa xeryihiisii isla markaana uu fulinayay amarkii xukuumadda ka soo baxay ee xabbad joojinta balse aanaydib u sugayn weerar lagu soo qaado tallaabooyin Millatari oo adagna ay ka qaadi doonaan cadawga dalka ku so duulay.

Waxaanu caddeeyay in kooxda Al-shabaab ee argagixisada ah ee ka dagaalamaysa magaalada Laascaanood in ay xoog kaga saarayaan isla markaana ay dalka ka xoraynayaan cadaga kus oo duulay.

Afhayeenka ciidanka qaranka oo ka hadlayay dagaalka shalay ciidanka qaranka lagu soo qaaday,ayaa yidhi. Ciidanka qaranka oo ku sugan fadhiisimadoodii ay degenaayeen waxaa saaka(shalay) abbaaro sagaalkii subaxnimo soo weeraray cadawga Somaliland kusoo duulay ee isu soo bahaystay,ciidanka qaranku sidii caadada u ahayd ayay iska difaaceen jab wayn na way soo gaadhsiiyeen huwanta ku soo duushay,dhirbaaxo kululna way gaadhsiiyeen cadawga.”

Afhayeenka ciidanka qaranka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay.” Ciidanka qaranku markasta waxay fulinayeen amarkii xukuumadda ka soo baxay ee ahaa xabbad joojinta cidna weerra kumay ahayn laakiin laga bilaabo maanta ciidanku waxay qaadanayaan hawl gallo millatari oo dalka lagaga xoraynayo cadwga Somaliland  ee ku soo duulay waanan ognahay ciidanka PSF ee kazoo duulay Boosaaso iyo Al-shabaab ta ku sugan Laascaanood kana bixi maayaan iaakiin xoog Ayaan kaga saaraynaa,dadka reer Laascaanood na waa dadkayagi uu u baahan in cadawga laga xoreeyo.”

 

 

 

 

Leave a Reply