Dhibaatada Musuqa Iyo Saboolnimada!

0
189

Dadka xiiseeya safarada iyo dalxiiska ayaa la socda liiska dalalka iyo magaalooyinka ugu halista badan dunida.

liiska magaalooyinka ugu nabadgelyada xun, uguna halista badan ayay ka mid tahay magaalada caasimadda u ah dalka Guatemala oo ku yaalla Latin America. Magaaladaasi ayaa la sheegay in denbiyada iyo dilalka ka dhacaa ay aad u badan yihiin. Waxaana sabab looga dhigay dayacaad ka timi dhinaca booliiska oo uu musuq aad ugu badan yahay.

Waxa kale oo la sheegay inuu jiro farqi weyn oo u dhexeeya dadka hantida haysta iyo kuwa saboolka ah ee kuwada nool magaaladaasi. Waxaana jirta in maalqabeenku isu arko mid ka sareeya saboolka . Arintaasi ayaa la sheegay inay dadka masaakiinta ah ku riixayso inay sameeyaan bililiqo, boob iyo falal colaadeed. Inkasta oo ay tahay magaalo qurux badan haddana nolosheedu waa mid cabsi badan oo wakhtiga kasta qofku halis ugu jiro in la dilao.

Leave a Reply