Halista Nadaafad Xumada Iyo Qisayoonkeeda!

0
226

Labada nin ee walaalah ahaa Mr.Homer Collyer iyo Langley Collyer oo Maraykanka u dhashay ayaa caan ku noqday sidii ay ururin jireen isla markaana u xafidi jireen dhamaan hadhaayada xashiishka. Waxay ku ururiyeen gurigooda hadhaagii wargeysyada la khariyo, qalabka muusiga ee laga baxo, Furinture-ka, buugaagta iyo dhamaan alaabooyinka kale ee dadku ka maarmaan. Makhsinadii ayaa buuxsamay waxaana cidhiidhi ku noqday wadiiqooyinka albaabada laga baxo.

Sanadkii 1947 ayay booliiska soo gaadhay war aan la xaqiijin oo sheegaya in mayd dhex yaallo guriga Collier iyo walaalkii ay denaayeen, muddo yar ka dib booliiska ayaa soo gaadhay guriga, waxase meel kasta tuulla xashiish cidda ka badan kaasi waxaana muddo ku qaatay inay gudaha guriga galaan.

Booliiska ayaa gudaha guriga ka helay maydkii Homer, laakiin may helin wax raad ah oo u tilmaamaya walaalkii Langley. Laakiin laba wiig ka dib oo guriga laga nadiifiyay 100 Ton oo xashiish ayaa la helay maydkii walaakii Langley oo baaliyoobay isla markaana qayb ka mid ah uu jiirku cunay. Halkaasi oo 10 tallaabo keliya u jirtay halkii laga helay maydkii walaalkii. Waxaana  Booliisku warbixinta ku cadeeyeen in markii Langley uu doonayay inuu raashin siiyo walaalkii oo xanuunka faaligu naafo ka dhigay ay ku soo duntay  raso xashiish ahi oo 140 ton ah waxaana uu u dhintay Cabudh (Asphyxiation),walaalkiisa naafada ah ayay sheegeen inuu u dhintay gaajo darteed isaguna maalmo ka dib.Waxaana ay booliisku si kooban u cadeeyeen in walaalahani ay u dhinteen sida nidaamka xun ee ay u tuuleen xashiishka.

 

Leave a Reply